Farmaajo iyo xubnaha beesha caalamka oo shir uga furmay Muqdisho

beesha caalamka2

Xarunta madaxtooyada Villa Soomaaliya waxaa ka furmay shir u dhaxeeya madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo saaxiibada beesha caalamka taas oo looga arinsanayo arrimo la xiriira doorashooyinka.

Warbaahinta maxaliga ah ayaa baahisay sawiro xubnaha beesha caalamka oo sii galaya madaxtooyada, waxaana la sheegay iney kulan la yeelanayaan Farmaajo, iyadoo ay jirto in safiirka mareykanka ee Soomaaliya uusan kulanka qeyb ka aheyn.

Diblomaasiyiinta Mareykanka ee jooga Soomaaliya fasax uma heystaan iney ka baxaan aagga aadka loo ilaaliyo ee xarunta Xalane oo ku talla agagaarka garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde.

Beesha Caalamka waxey dhawaan taageereen liiska guddiga doorashada oo ay soo saareen Jubbaland iyo Puntland, waxeyna sidoo kale u riyaaqeen shirkii ay ku baaqeen labada dowlad goboleed oo maanta la rabay inuu dhaco, balse baaqday.

Beesha caalamka waxey ka digeen in la qabto doorasho hal dhinac ah, taasoo ay ka dhalan karto dhibaato hor leh, waxeyna madaxda ugu baaqeen iney tanaasul la yimaadaan.

Si kastaba madaxweyne Farmaajo oo ay mudada xilheyntiisa kaga hartay kaliya wax ka yar 10 maalmood ayaa la filayaa in la hordhigo fariin looga wado beesha caalamka, waxaana ay doonayaan in shir la isugu yimaado si loo xaliyo tabashooyinka jira, horayna loogu socdo doorasho wakhtigeeda ku dhacda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here