Farmaajo oo sheegay inuu mar kale kulan isugu yeeray madax goboleedyada

villa somalia

Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday ee Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa mar kale kulan isugu yeeray madaxda dowlad goboleedyada, sida uu sheegay wasiirka warfaafinta Cusmaan Dubbe.

Dubbe ayaa qoraal uu soo dhigay twitter-ka ku yiri “Madaxweyne Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa caawa mar kale isugu yeeray madaxweynayaasha 5-ta Dowlad Goboleed iyo Gobolka Banaadir inay shir (ice break) isugu yimaaddaan maalinta Sabtida 3-da April 2021 si looga wada hadlo hirgelinta heshiisyadii 17-ka September 2020 iyo 16-ka Febraayo 2021.”

Sida ka muuqata qoraalka Dubbe ee ah Ice-break, kulankan ayaa noqonaya mid kalsooni dhis iyo in meesha laga saaro kala shakiga xooggan ee ka dhaxeeya labada dhinac.

Shirkan ayaa noqonaya kii lixaad ee Farmaajo uu ugu yeero madax goboleedyada tan iyo markii muddo xileedkiisu dhammaaday 8-dii Febraayo 2021.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here