Fashilka RW Rooble iyo guddi uu u magacaabay xiisadda Muqdisho

maxamed xuseen Rooble

Ra’isul wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa magacaabay Guddiga ka kooban 11 Xubnood oo kasoo talo bixiyo sidii xal looga gaari lahaa Khalalaasihii ka dhacay Magaalada Muqdisho Soomaliya.

Rooble ayaa sheegay inuu Guddigaan magacaabay markii uu arkay qodobka 99-aad farqadiisa A,B iyo F ee Dastuurka kumeel gaarka ah ee Soomaaliya, Qodobka 100-aad Farqadiisa A iyo B ee dastuurka iyo baaqii Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ee ahaa in Rooble uu la wareego Mas’uuliyadda Doorashada iyo Amniga.

Guddiga la magacaabay ayaa waxaa Guddoomiye looga dhigay Wasiirka Amniga Xasan Xundubey, waxaase ku jira xildhibaano iyo xubno ka tirsan mucaaradka

Guddiga ayaa wuxuu ka kooban yahay xubno ka tirsan Xildhibaanada Labada Aqal ee mucaaradka ah iyo kuwa taageersan Dowladda Soomaaliya, Sidoo kalana waxaa kasoo muuqday Wasiiro ka tirsan Xukuumadda.

Ra’isul wasaare Rooble ayaa guddigaan u xil saaray:

1- Xallinta caqabadaha saameeyey Ciidanka ee ka dhalatay Arrimaha Siyaasadda
2- Dib u celinta ciidamada kasoo baxay furumaha ee soo galay Magaalada Muqdisho
3- Baabi’inta calaamadihii ka dhashay shaqaaqadii ka dhacay Muqdisho.

Rooble ayaa guddigaan faray inay muddo shan maalmood ah kusoo gaba gabeeyaan xal ka gaarista khilaafka ciidamada iyo xiisadda ka jirto Muqdisho.

Shaqada Guddigaan ayaa waxay ka bilaabatay maanta oo ay tariikhda tahay 4 Bisha May 2021.

Sikasta Raiisulwasaare Rooble ayaa u muuqda nin fashilmay oo dalku gacantiisa ku burburayo, haddii aanu si dhaqso ah isu casilin, waxaana xaqiiq ah in ay mucaaridku ilaaleysteen.

Magacyada Guddiga la magacabay

  1. Wasiirka Amniga Xasan Xundubey Guddoomioye
  2. Wasiirka Arrimaha Gudaha Mukhtaar Xuseen Afrax   Xubin
  3. Wasiirka Gaanshaandhigga Xasan Xuseen Xaaji    Xubin
  4. Mudane Cabdi Sheekh Axmed Rooble Xubin
  5. Wasiiru Dowlaha Amniga Farxaan Cali Axmed Xubin
  6. Wasiir ku xigeenka warfaafinta Cabdiraxmaan Al-Cadaalla   Xubin
  7. Senator Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid   Xubin
  8. Senator Dhagey Geelle Ugaas  Xubin
  9. Senator Cabdi Aaden Dhuxulow (Dhagdheer)   Xubin
  10. Xildhibaan Cabdullaahi Maxamed Nuur  Xubin
  11. Xildhibaan Mahad Salad  Xubin

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here