FAYSAL FALAALUGOW JAMAAHIIRTA WAXQABAD MUUQDA TUS HADAL LA DHAAF

col faysal falaalug

Waxaa xusid mudan in kacdoonka maanta degaamadda SSC ka hirgalay aanu ku iman tallo Isimo, Cuqaal, Waxgarad iyo Siyaasiyiin, waxaa la oran karaa badankoodu waa ka soo horjeedeen, wuxuu ku bilowday rabitaan dhalinyaradda iyo gabdhaha SSC oo isutaagtay inay dulinimadda iyo Maleeshiyadda Muuse Biixi iska dulqaadaan, qofkii taageera derajaduu doono ha lahaadee waa mahadsan yahay, taariikhdaana qori doonta, kii Horgalnimo iyo gunimadda jecleystana ciddi kula tartami meyso, Halgankana waxba yeeli maayo.

Jamhad FAYSAL FALAALUG isagoo mahadsan, waxaa ku waajiba inuu garto farqiga u dhexeeya sheekaddii Khaatumo ee fashilantay iyo halganka dhalinyaradda, shuhaadadii dhalinyaradda ahayd ee difaaca SSC u shihiiday 5 mitir ilaa 30 mitir baa iyagoo soo eegaya xabad dhashiike googooysay, qaarna ku dhaawacmeen, qaarka la afduubtay, taasi waxay kuu cadeynaysaa in kacdoonka dhalinyaradu aanu doonayn igu Sawir ee uu u baahan yahay NAF hurnimo.

Korneyl Faysalow ALAMTARA WAA SOO DHAAFTAY ee kacdoonku naftaada ayuu rabaaye ISCADDEE IYO WAXQABAD MUUQDA TUS muddo yar (Xabad baa xabad kaa fujisa).

DHAMAAN saraakiisha ciidamada hadaydaan Nafta hurayn, kacdoonku hoodaddo iyo farsamooyinkii xumaa ee Xiligii khaatumo inta daasado la garaaco, xabaddii baa socotee lacagta soo dira la oran jiray uma baahna.

Ninkii tolkii wax u qabanayow maanta waa maalintii geesiga ee is muuji, Garaadadii baa laga aamusi waayey oo kii laga shakiyo runta wejiga laga saarayaa, qofkasta oo gaabis noqdana runta ayaa loo sheegayaa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here