G SANAAG: DHIMASHADA IYO DHAAWACA OO KU SOO BADANAYA GODAD DAHABKA LAGA QODO

god dahab

Waxaa muddooyinkii u dambeeyay deegaanka Milxo ee gobolka Sanaag ku soo badanayay dhimasho iyo dhaawac ka dhashay godad dahabka laga qodo oo dad ku soo dumay.

Dad kor u dhaafaya 10 qof ayaa saddexdii sano ee la soo dhaafay deegaankaas ugu dhintay godadkaas oo ku soo dumay awgood, kaddib markii ay suurtageli waysay in la soo badbaadiyo.

Waxaa dhawaan deegaanka Milxo oo sanadihii u danbeeyey caan ku ahayd qodashada dahabka safar shaqo ku tegay wariyahayaga Maxamed Dhalo, warbixintan ayuuna nooga soo diyaariyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here