Gaari Qarax laga soo buuxiyay oo lagu weeraray Saldhiga booliska degmada Waaberi

booliis howlgal amni

Faah faahin, Qarax oo ahaa gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa ayaa lagu weeraray Saldhiga booliska degmada Waaberi oo ku yaala meel u dhaw Isgoska Dabka.

Warar hordhac ah ayaa sheegaya in Qaraxa uu geystay Qasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Dadka dhimashadooda la xaqiijiyay waxaa kamid ah Taliyahii Saldhigga Booliska Waaberi Axmed baashane Oo ku Magac dheeraa Taliye Colaalay, halka dhaawacyo kala duwan ay soo gaareen Saraakiil iyo Askar ku sugnaa goobta.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here