Gaariga guddoomiyaha gobolka bari oo qarax la kacay

qarax gaadhi boosaaso

Qarax lala beegsaday Gaadhiga Gudoomiyaha Gobolka Barri ayaa maanta ka dhacay agagaarka Hotel Jubba ee magaalada Boosaaso.

Sarkaal ka tirsan laamaha amniga magaalada Boosaaso ayaa warbaahinta Pu sheegay in qaraxa oo jidka ku sii aasnaa lala eegtay gaariga guddoomiyaha gobolka Bari Yuusuf Maxamed Wacays (Dhedo) balse guddoomiyuhu uusan la socon gaariga xilliga qaraxu haleelay.

3 askari oo ka tirsan ilaalada guddoomiyaha gobolka Bari ayaa ku dhaawacmay qaraxa waxaana loola cararay isbitaalka magaalada Bosoosaaso sida uu xaqiijiyay sarkaalkan.

Laamaha amniga gobolka Bari ayaa haatan baaritaanno ka wada goobta qaraxaasi ka dhacay iyadoo aan ilaa iyo hadda cidna loo qaban qarax.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.