GAAS oo weerar culus ku qaaday Midowga Musharaxiinta

gaas

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Soomaaliya iyo madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa weerar afka ah ku qaaday Midowga Musharaxiinta, kadib markii uu dhaliilay qaabka ay ku wajaheen doorashooyinka dalka.

Waxa uu sheegay inay aheyd in Midowga Musharaxiinta si adag uga horyimaadan hanaanka doorashada, oo aysan ka boodin keliya marka ay soo baxaan shaqsiyaad aan taabacsaneyn, sida uu hadalka u dhigay.

“Dagaal waa ka soo daalnay, marna ku talin maayo dagaal iyo dirir toona. Midowga Musharaxiinta waa dhaliilaya waayo marna ma hambalyeyn kartid marna ma diidi kartid (doorashada), waxaa la rabaa in timahooda dhan u wada xiirmo oo wixii khalad ah ay wada diidaan,” ayuu yiri.

“Aqalka Sare ama Aqalka Hoose ha noqdo ama Saxiibkaa ha ku soo baxo ama ayuu kusoo bixin wixii khaldan waa khaldan yihiin. Nidaamka ayaa xun qofkii ku soo baxana waa xun yahay markaa aragtidooda ha noqoto mid dhanka wanaagsan ah.”

Sidoo kale waxa uu soo jeediyay in doorashada la hakiyo muddo ku dhaw bil ama labo bilood, maadama uu sheegay inay dalka ka jiraan abaaro aad u daran oo sababsaneysa nafo badan.

“Waxaa dalka ka jirta abaar aad u xun oo dadka dhimanayaan Waqooyi illaa Koonfur, oo dhaqaalaha loo jeediyo bad-baadada dadkaas. Inta la hakiyay doorashadaasna fursad ayay u noqoneysa in lagu saxo wixii khaldan oo la isku arki karo, loogana baaqsan karo dagaal iyo shido hor leh.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here