Gabadh lagu kufsaday tareen gudihiis iyadoo ay dad badani daawanayaan

Septa

Dadkii tareenkii la saarnaa gabadh lagu dhex faraxumeeyay gudaha tareenka ee ku guuldareystay inay caawiyaan gabadha ayaa la sheegay inaysan u badnayn inay wajihi doonaan dacwado dambiyeed, sida laga soo xigtay xeer -ilaaliyeyaasha maxalliga ah.

Kaamirooyinka qarsoon ee CCTV ayaa muujinaya in dadkii ka ag dhawaa ee tareenka “aysan waxba sameyn” markii weerarka uu dhacayay, sida ay sheegeen saraakiisha gaadiidka.

Booliisku waxay hore u soo jeediyeen in dadka rakaabka ah ee laga yaabo inay duubeen dhacdada in dacwad lagu soo oogi karo.

Nin ayaa loo xiray dhacdadaas oo hadda wajahaya dacwado kufsi.

Kufsiga la sheegay inuu ka dhacay Arbacadii lasoo dhaafay tareen uu leedahay maamulka gaadiidka ee koonfur -bari Pennsylvania (Septa) ee dalka Mareykanka.

Bayaan ay soo saartay, Septa waxay ku sheegtay “inay tareenka saarnaayeen dad kale oo arkayay falkan argagaxa leh, waxaana suurogal ahayd in si dhaqso ah loo joojin karay haddii qof tareenka saaran uu waci 911”.

Mid ka mid ah shaqaalaha Septa oo tareenka saarnaa ayaa wacay booliiska, kaawaas oo dhibbanaha geeyay isbitaal xabsigana dhigay qof lagu tuhunsan yahay inuu geystay falka foosha xun.

Eedeysanaha – oo magaciisa lagu sheegay Fishton Ngoy oo 35 jir ah – ayaa hadda wajahaya dacwado la xiriira kufsigaasi iyo dhowr dacwadood oo kale.

Dhibanaha ayaa la geeyay isbitaalka waxayna hataan booliska kala shaqeynaysaa kiiska.

Shir jaraa’id oo ay qabteen Isniintii, ayay boolisku waxay ku sheegeen inaysan rumaysnayn in markhaatiyaashii ay waceen 911 maadaama haweeneyda la dhibaateeynayay muddo ka badan 40 daqiiqo.

Ma cadda inta qof ee kale ee saarnaa gaariga tareenka ah markii uu shilku dhacayay.

Baarayaasha ayaa sidoo kale eegaya bal in qaar ka mid ah dadkii goobta joogay ay duubeen weerarka iyo sida uu u dhacay.

“Waxaan kuu sheegi karaa in dadku taleefankooda kor u hayeen oo ay u weecinayeen dhanka haweeneyda la kufsaday ,” ayuu yiri taliyaha booliska Septa Thomas J Nestel Isniintii.

Timothy Bernhardt, oo ah kormeeraha Waaxda Bilayska ee Upper Darby , ayaa laga soo xigtay New York Times isaga oo sheegaya in dadkii ag taaganaa oo caawin waayay gabadha la faraxumeeyaynay ay wajihi karaan dacwado dambiyeed haddii ay duubeen dhacdada.

Go’aanka kama -dambaysta ah ee dambiyada suurtagalka ah, ayuu yidhi, waxay ku xirnaan doontaa xafiiska qareenka degmada Delaware marka ay dhammayso baadhitaanka.

In kasta oo Mr Bernhardt uusan cayimin dacwadaha ay markhaatiyadu wajahi karaan, haddana wuxuu sheegay inay aad u adkaan doonto in dacwad lagu soo oogo kuwa “arkay weerarka laakiin aan caawin.

Isagoo ka jawaabaya su’aalaha BBC -da, afhayeen u hadlay xafiiska xeer ilaaliyaha degmada ayaa sheegay in inta baaritaanku socdo, “waqtigan xaadirka ah aan la fileyn in dacwad lagu soo oogi doono rakaabkaasi.”

Kevin McMunigal, oo hore u ahaa xeer -ilaaliye federaal ah, ahna barafisoor sharciga ka dhiga Jaamacadda Case Western Reserve University, ayaa BBC -da u sheegay in inta badan gobollada Mareykanka dadka ka agdhaw aysan wax sharci ah ku lahayn inay farageliyaan ama caawiyaan haddii aysan lahayn “waajibaad gaar ah” oo ah inay sidaas sameeyaan, sida waalidiinta, macalimiinta, daryeelayaasha ama saraakiisha booliiska.

Mr McMunigal wuxuu sheegay inuu rumeysan yahay in kiisaska sida kan Philadelphia ay yihiin wax naadir ah.

“Inta badan xaaladaha soo ifbaxa ee dareenka dadweynaha, waxaa fiican in qofku uu wax ka qabto, ama ugu yaraan uu waco 911, “ayuu yiri.

Tamara Rice, oo ah barafisoor sharciga ka dhiga Jaamacadda Miami, ayaa sheegtay inay macquul tahay – balse aysan dhici karin – in dacwad oogayaasha ay dacwad ku soo oogi karaan dadkii ag taaganaa ee duubayay falka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here