Gabadh uu dhalay Amiirka Dubai oo shaaca ka qaaday dhibaatada ay kala kulmeyso guri lagu xiray

princess Latifa Al Maktoum

Gabadh uu dhalay Amiirka Dubai Latifa Al Maktoum oo sanadkii 2018-kii isku dayday inay ka cararto dalkeeda ayaa muuqaal qarsoodi ah u dirtay asxaabteeda, waxay ku eedeysay aabaheed ‘in uu guri ku xiray’ oo ay noqotay ‘laheyste’ isla markaana ay u baqeyso nolosheeda.

Muuqaal lala wadaagay barnaamijka BBC ee Panaroma, Amiirad Latifa Al Maktoum ayaa sheegtay in ciidamada koomaandooska ay xoog kaga soo saareen dooni ay saarneyd xilli ay dooneysay inay baxsato ayna xireen.

Saaxibadeed ayaa ugu baaqay Qaramada Midoobey in xaaladda ay faraha lasoo gasho.

Maamulka Dubai iyo Imaaraatka Carabta ayaa horraan sheegay in gabadha ay xaaladdeedu wanaagsantahay ayna heleyso daryeel.

Mary Robinson oo ah ergeygii hore ee gaarka ah ee Qaramada Midoobey arrimaha xuquuqul insaanka iyo madaxweynihii hore Ireland oo horraan ku tilmaantay xaaladda gabadha “Gabadha da’yar oo dhibaateysan’ kadib markii ay la kulantay sanadkii 2018-kii ayaa haatan waxay sheegeysaa in amiiradda haatan ay khiyaaneen qoyskeeda.

Waxay ku baaqday in tallaabo caalami ah la qaado si loo ogaado xaaladda iyo goobta ay ku nooshahay Latifa.

“Waxaan weli kasii walaacsanahay Latifa, xaaladda wey isbaddashay, waxay ila tahay in la baaro” ayay tiri Mary Robinson.

Aabaha dhalay Latifa, Sheekh Maxamed Bin Rashiid Al Maktoum wuxuu kamid yahay madaxda ugu taajirsan caalamka, waana amiirka Dubai iyo madaxweyne ku xigeenka Imaaratka Carabta.

Muuqaalladan soo baxay ayaa bilooyin ka hor lagu duubay teleefoon si qarsoodi ah loogu dhiibay Latifa kaddib markii la qabtay laguna celiyay Dubai, waxay muuqaalka ku duubtay iyadoo ku jirta musqusha waana goobta kaliya ah ay isku soo xiri kartay.

Farrinta ayaa sidatan u dhigneyd:

  • Waxay la dagaashay ciidamadii kasoo saaray doonta ‘iyadoo dagaallameyso oo xarbineysa” waxay qaniinyo isaga fujisay mid kamid ciidamada koomandooska oo ay gacanta ka qaniintay, weyn qeylisay.
  • Waana la suuxiyay waxaa ka lumay dareenka, waxaana lagu soo qaaday diyaarad khaas ah, waxayna soo miirsatay markii laga soo dejiyay Dubai.
  • Kaligeed ayaa meel lagu hayay iyadoo aanan helin adeeg caafimaad ama aysan helin qareen xilli ay ku sugneyd guri albaabadiisa iyo daaqadihiisa la xiray iyadoo ay ilaaliyeen booliska.

Muuqaalka qarsoodiga ah ee ku saabsan qaabka loo qabtay Latifa waxaa barnaamijka BBC ee Panaroma usoo dusiyay qaar kamid ah asxaabteeda oo ay kamid yihiin Tiina Jauhiainen, Marcus Essabri iyo David Haigh kuwaas oo waday olole ku aadan sidii loo soo daayn lahaa Latifa.

Waxay sheegeen inay qaateen go’aan adag oo ku aadan sidii loo baahin lahaa farrinta gabadha kadib walaac ku aadan badqabka Latifa.

Waxay sheegeen in ay u suurogashay inay la xiriiraan Latifa oo lagu xiray guri ku yaalla Dubai oo albaabadiisa iyo daaqadihiisa la xiray oo ay ilaaliyaan boolis.

Barnaamijka BBC ee Panorama ayaa si madaxbanaan u xaqiijiyay faahfaahinta ku saabsan halka lagu hayo Latifa.

Sheekh Maxamed ayaa dhisay magaalo horumar leh balse dadka u ololeeyo xuquuqul insaanka ayaa sheegayaa in uusan wax dulqaad ah u muujineynin dadka mucaaradka ah iyo in nidaamka caddaalladda uu gacan bidxeynayo haweenka dalkaas.

Wuxuu leeyahay ganacsi ku saabsan tartanka farddaha, sida ka muuqato sawirkan oo uu la galay boqoradda Ingiriiska Queen Elizabeth II.

Wuxuu wajahayaa dhaleeceyn xooggan oo ku saabsan arrinta amiirad Latifa iyo xaaskiisa Haya Bint Al Hussain oo iyada iyo labo carruur ah ay dhashay u carareen London sanadkii 2019-kii.

Baxsadkii doonta

Latifa oo haatan 35 jir ah, markii ay 16 jir aheyd ayay isku dayday inay baxsato, sanadkii 2011 waxay la xiriirtay ganacsade u dhashay Faransiiska oo la yiraahdo Herve Jaubert, waana qorshe muddo dheer socday. waxaana ka caawineysa arrintaas Ms Jauhiainen oo horraan u aheyd macalimad ka tirsan baarnaamijka tababarka ee capoeira ee laga leeyahay Brazil.

24-tii bishii Febraayo sanadkii 2018, Latifa iyo Ms Jauhiainen waxay dooni u qaateen biyaha caalamiga ah, waxaana halkaas ku sugayay Mr Jaubert oo saarnaa dooni uu ka babanayay calanka Mareykanka.

Siddeed maalmood ka dib waxay ka baxeen xeebaha Hindiya, waxaana doontii soo koray ciidamada koomaadooska, Ms Jauhiainen waxay sheegtay in qori ay ku qabteen ciidamada.

Latifa waxaa dib loogu soo celiyay Dubai, tan iyo xilliggaas wax war ah lagama heynin.

Ms Jauhiainen iyo shaqaalihii saarnaa doonta ayaa lasoo daayay labo toddobaad oo ay ku xirnaayeen Dubai.

Dowladda Hindiya weligeed kama aysan hadlin kaalinta ay ku laheyd arrintaas.

Balse inta aysan baxsan sanadkii 2018 Latifa waxay soo duubtay muuqaal kale oo ay soo dhigtay barta YouTube kaddib markii la qabtay, “Haddii aad daawaneyso muuqaalkan, ma ahan wax wanaagsan, waxay noqon kartaa xaaladda ah in aan dhinto ama aan ku suganahay xaalad aad u darran” ayay tiri Latifa.

Waxaana arrintaas ka dhashay cadaadis xooggan oo lagu dalbanayo in lasii daayo.

Imaaraatka Carabta waxaa soo food saaray cadaadis caalami ah, waxaana la qaban qaabiyay kulan ay la yeelanayaan Ms Robinson.

Kulankii Robinson

Waxay u duushay Dubai bishii December sanadkii 2018 kaddib codsi ay u jeedisay amiirad Haya si ay u yeeshaan kulan qado ah oo ay goob joog ka tahay Latifa.

Ms Robinson waxay barnaamijka Panorama u sheegtay in iyada iyo Amiirad Haya ay gudbiyeen faahfaahinta ku saabsan xaaladda Latifa oo ku saabsan inay qabtay xanuun dhanka maskaxda ah, xaaladddaas oo aysan inaba qabin.

Waxay sheegtay in Latifa aysan weyddineynim xaaladdeeda maadama aysan dooneyn inay u horseedaan inay uga sii daro welwelka heysto.

Sagaal maalmood kadib qadada, wasaaradda arrimaha dibadda Imaaratka waxay soo daabacday sawirrada Ms Robinson iyo Latifa kuwaas oo ay ku sheegayaan inay caddeyn u tahay in xaaladda amiiradda ay wanaagsantahay.

Ms Robinson waxay tiri “Waa la ii khiyaanay kaddib markii sawirrada la baahiyay, waa arrin gebi ahaanba argagax ah…waan yaabay”

Sanadkii 2019, xiisadda ka dhex taagneyd qoyska maamulo Dubai ayaa laga hor sheegay maxkamad ku taalla Ingiriiska kaddib markii mid kamid ah xaasaska hoggaamiyaha amiirad Haya Bint Al Hussain ay u carartay UK iyada iyo labo carruur ah oo ay dhashay isla markaana magangelyo ay u raadsadeen halkaas.

Sanadkii lasoo dhaafay maxkamadda sare waxay soo saartay go’aano ku saabsan xaqiiqada ah in Sheekh Maxamed uu amray sidoo kale qorsheeyay in si xoog ah Latifa loogu soo celiyo dalka sanadkii 2002 iyo 2018 iyo in uu sameeyay tallaabo sharci darro ah oo ku saabsan in UK uu ka afduubtay 2000 gabadhii ka weyneyd oo la yiraahdo amiirad Shamsa oo iyadu isku dayaysay inay baxsato.

Maxkamadda waxay ogaatay in Sheekh Maxamed “uu wado dhaqdhaqaaq uu labadan gabdhood ee da’da yar uu kaga hor istaagayo xoriyaddooda”

Saaxibada Latifa waxay ku rajo weyn yihiin in kiiskii maxkamadda ee bishii March ee sanadkii lasoo dhaafay ee ka dhanka ahaa Sheekh Maxmed aanu ‘daacad aheyn’ in loo eexdo dhinaca amiirad Haya ay caawin laheyd.

Go’aanka ku saabsan baahinta farriinta, Ms Jauhiainen waxay haatan sheegeysaa in “In wakhti badan uu lumay” tan iyo markii wax xiriir ah laga waayay.

Waxay sheegeysaa in ay u maleyneysay in baahinta muuqaalka uu ahaa mid adag balse waxay intaas ku dartay “Waxaan dareemayaa inay dooneyso in aan u dagaallano oo aanan is dhiibin”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here