Gabadha ajnabiga ah oo shahaadada PhD ku qaadatay Af Soomaaliga

dr bouthaina sayid maxamuud

Marka la maqlo qof Soomaali ah oo horumar ka luuqadaha ajnabiga ah waa arrin aan qayrul caadi ahayn balse waxaa dhif ah in la arko qof aan Soomaali ahayn oo si fiican ugu hadla afkeenna hooyo.

Dr Bouthaina Sayid Maxamuud oo ah aqoonyahanad u dhalatay dalka Masar kuma aysan ekaanin oo kaliya in ay barato af Soomaaliga, balse waxa ay sidoo kale ka dhigatay takhasuskeeda jaamacadda.

Ilaa heerka ugu sarreeya ee Shahaadada loo yaqaanno PhD ee jaamacadda ayay ku qaadatay naxwaha af Soomaaliga oo ay si wanaagsan u naqdiimisay.

Haweeneydan da’ dhexaadka ah ayaa luuqadda ku baratay meel ka baxsan Soomaaliya, iyadoo xoogga ku saartay shahaadada mastarka iyo PhD-ga.

Bouthaina waxay ku biirtay kulliyadda Af Soomaaliga oo Jaamacadda Qaahira lagu soo kordhiyay 10 sano ka hor.

Maamulka Jaamacadda Qaahira ayaa maaddooyinkooda ku soo daray Af Soomaaliga kaddib markii ay dhaceen mudaharaadyadii kacdoonka carabta ee curtay sanadkii 2011-kii.

Dr Bouthaina oo BBC-da la hadashay ayaa sharraxday sababta ay ku jeclaatay Af Soomaaliga.

“Xiriirka ka dhaxeeya Soomaaliya iyo Masar waa xiriir wanaagsan oo xooggan. Waa xiriir walaalnimo iyo taariikh dheer. Soomaaliya waa waddankeyga labaad oo aan jeclahay,” ayay tiri.

“Jaamacadda Qaahira ayaa luuqadda Soomaaliga u aragtay mid muhiim ah. Macallinkeyga AfSoomaaliga waa Dr Muumin Caalim, oo ah macallinka Af Soomaaliga ee Kulliyadda Daraasaadka Afrika,” ayay sii raacisay hadalkeeda.

Gabadhan ayaa baratay maahmaahyada Soomaaliga oo ay ka xustay: “Abeeso hoggeeda looguma galo” iyo “Aan wada hadalno waa aan heshiinno”.

Gabayada iyo murtida kale ee Soomaalida ayaa ka mid ah culuumta ay takhasuskeeda ku qaadatay, sida ay noo sheegtay.

Iyadoo ka hadlaysa fal celinta laga bixiyay markii la arkay iyadoo ku hadlaysa luuqadda Soomaaliga ayay tiri: “Dadka Soomaalida ah way farxeen markii ay arkeen gabar ajnabi ah oo baratay Af Soomaaliga.”

Dr Bouthaina ayaa hadda ka mid ah xubnaha barayaasha Jaamacadda Qaahira oo ka mid ah xarumaha waxbarasho ee ugu waawayn qaaradda Afrika.

Xarunta ugu wayn ee jaamacaddan – oo ka mid ah kuwa hoggaanka u ah dalka Masar – ayaa ku taalla agagaarka Ahraamta, kasoo hor jeedka wabiga caanka ah ee Nile.

Waa Jaamacadda labaad ee ugu qadiimisan waddanka Masar oo hadda ay dhigtaan in ka badan 155,000 oo arday, waxayna soo dhaweysaa ardayda caalamiga ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here