Gabadhii astaanta u noqotay dibadbaxyada Suudaan oo tusaale xun usoo qaadatay Soomaaliya

alaa salah sudan

Bar Twitter oo la sheegay in ay leedahay Alaa Saalax oo ah gabadh reer Suudaan ah oo ka mid aheyd dadkii horkacayay dibadbaxyada galaaftay madaxweynihii hore ee Suudaan, Cumar Xasan Al-Bashiir, ayaa barteeda Twitter-ka kusoo qortay erey ay dad badan dhibsadeen.

Waxay sheegtay in xaaladda Suudaan aysan la mid aheyn midda ka taagan dalka Soomaaliya.

“Ra’iisul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed waxaa uu soo gaaray Khartuum, booqasho lagu tilmaamay dhexdhexaadinta dibadbaxyaasha Suudaan iyo hoggaamiyeyaasha militariga. Suudaan ma ahan sida Soomaaliya,” ayay tiri Alaa Saalax.

Twitter waxaa daabacay @oalaa_salah: Ethiopia PM Abiy Ahmed arrives in Khartoum in a visit described to be an effort to mediate between Sudan military leaders and protesters. @mfaethiopia  Sudan is not Somalia. @DrAbiyAhmed1 @PMEthiopia

Lama xaqiijin karo bartan in ay Alaa Saalax leedahay balse dad badan ayaa si kala duwan uga falceliyay farriinta lagu qoray.

Qaar kamid ah dadka Soomaalida ee adeegsada baraha bulshada ayaa ka carooday qoraalka Alaa Saalax oo ay ku sheegeen mid aanan habooneyn isla markaasna shacabka deggan labada dal ay yihiin dad walaalo ah.

Waxay ay sheegeen in Soomaalida ay qaddariyaan shacabka reer Suudaan oo aysan ku jeesjeesin.

Twitter waxaa daabacay @alihwarsame: What she doesn't know is we always respect Sudanese as brothers & we don't mock them as others do. Secondly we, Somalis, are and used to be known as the lions of Africa. Ethiopia is our neighbours & we do welcome the change of leadership which can be beneficial for East Africa.

Sidoo kale qaar ka mid ah dadka isticmaala Twitter-ka ayaa ugu baaqay gabadhan in sharaftii geesinimada aheyd ay ku hanatay kacdoonka, aysan si khaldan u adeegsan oo aysan ku weerarin dad gaar ah oo horey u taageeray.

Twitter waxaa daabacay @Abdynoor: Kindly use your diligently acquired heroic status to hold the dignity of others in high regard. You can express your point without looking down upon any nation or individual. You were cheered indiscriminately by citizens of all nations. Ridiculing a specific nation is unwarranted

Dadka soomaalida waxay taageersan yihiin isbaddallada ka dhacay Suudaan balse “ma aheyn in Alaa ay so qorto aflagaado ka dhan ah Soomaaliya”.

Twitter waxaa daabacay @Abdynoor: Kindly use your diligently acquired heroic status to hold the dignity of others in high regard. You can express your point without looking down upon any nation or individual. You were cheered indiscriminately by citizens of all nations. Ridiculing a specific nation is unwarranted

Markii uu dalkaasi ka socday kacdoonkii looga soo horjeeday dowladda Al-Bashiir, waxaa baraha bulshada qabsaday Alaa oo qaadaysa hees lagu tageerayo kacdoonka iyada oo gaari dusha ka saaran oo dibad baxayaal badanna ay hareero taagnaayeen.

Sawirka wakhtigaas laga qaaday ayaana astaan u noqday kacdoonka maalmihii u dambeeyay maamulkii Cumar Xasan Al-Bashiir.

Alaa Saalax

Alaa Saalax, gabadhii hormuudka ka noqotay kacdoonkii lagu afgembiyay madaxweynihii Suudaan Cumar Xassan Al Bashiir. Maxay isu aragtaa iyada?.

SlÄet op af BBC News Somali i Fredag den 26. april 2019

Alaa Saalax, gabadhii hormuudka ka noqotay kacdoonkii lagu afgembiyay madaxweynihii Suudaan Cumar Xassan Al Bashiir. Maxay isu aragtaa iyada?.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.