Gabadhii ugu horeysay ee Somaliland ku dhowaaqda inay Garaadad u sharaxan tahay

0
garaad nadiira

Nadiira Ismaaciil Maxamed (Ismaaciil Guray) ayaa noqotay gabadhii ugu horeysay ee Dalka Somaliland kaga dhowaaqda inay doonayso inay Isim noqoto.

Nadiira oo la soo xiriirtay shabakada xaysimo.com ayaa sheegtay inay doonayso inay Garaadad noqoto, kadib markii ay aragtay Isimo badan oo ay iyadu kaga haboon tahay.

Nadiira waxay ku dartay inay Garaad u noqon doonto xaween weynaha Somaliland.

Nadiira ayaa tiri ” Bulshada Somaliland waxay u badan tahay haween iyo caruur sidaas darteed waa inay helaan cid ama Isim si gaar ah ugu dooda xuquuqdooda”

Nadiira ayaa hadalkeeda ku soo gebagebaysay inay gelayso u diyaargarowga caano shubka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here