Gacan-ku-dhiiglihii xasuuqii Kalshaale XIRSI oo loo doortay Gudoomiyaha Xisbiga WADDANI

xirsi iyo kalshaale

Xisbiga Mucaaradka ee WADDANI ee Somaliland ayaa kulan uu yeeshay shanta Sanno ee soo socota jagada gudoomiyaha u doortay gacan-ku-dhiigle Xirsi Cali Xaaji Xasan oo ahaa abaabulihii XASUUQII DEGAANKA KALSHAALE oo ka tirsan degmada Buuhoodle.

Gacan-ku-dhiigle Xirsi ayaa siyaasada si deg deg ah ku soo galay, isagoo mar qura booday Kabaryeeri ilaa Madaxtooyada Somaliland, mudadii uu Madaxtooyada Somaliland ka talinayey wuxuu degaamada Sool, Sanaag iyo cayn ka geystay gaboodfalyo xun xun oo uu ugu weyn yahay XASUUQII KALSHAALE, kadib markii uu fursad ka helay Madaxweyne Siilaanyo oo 40 casho doorashadiisii ka dib ka lumiyey qaybo garashadii ama xusuustiisii ka mid ah, sida uu Xirsi ku sheegay Buugiisii miyi ilaa Madaxtooyo.

Xisbiga Waddani oo iminka noqday madal uu gacan-ku-dhiigle hogaaminayo ayaa waxaa degaamada SSC la gudboon inay u diyaargaroobaan sidii ay uga hortegi lahaayeen inuu talada Somaliland ku soo baxo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here