Galmudug oo gebi ahaanba la wareegtay Guriceel

calanka galmudug

Wararka ka imanaya magaalada Guriceel ayaa sheegaya in ciidamada Galmudug iyo kuwa dowladda federaalka ay gebi ahaanba la wareegeen gacan ku haynta magaalada Guriceel oo maalmahan si daran ay ugu hardamayeen iyaga iyo ciidamada Ahlu Sunna Wal jamaaca.

Sida uu BBC-da u sheegay weriye ku sugan magaalada Guriceel oo magaciisu yahay Cabdiqaadir Guure Bare, waxaa guuleystay wadahadaladii laga dhex waday Ahlu Sunna iyo iyo Galmudug.

“Arrimaha wadahadalka xilli dambe oo xalay ah ayay soo xoogaysteen, waxaana garwadeeb ka ahaa Senator Cabdi Cawaale Qeybdiid iyo Senator Dhagay Geele iyo Ganacsade Xaashi Carabay, dhanka Ahlu Sunna Sheekh Shaakir waa uu aqbalay, ciidamadiina magaalada waa uu ka saaray, waxayna ciidamada tageen deegaanka Goodwiil, oo qiyaastii magaalada u jirta oo 16 km ah u jirta Guriceel, ciidamada Galmudug ayaana la wareegay fariisimihii ay ka baxeen Ahlu Sunna” ayuu yiri.

Dhanka Ahlu Sunna weli wax war ah kama aysan soo saarin ka bixitaanka magaalada.

Ahlu Sunna ayaa ka baxay meeshii ugu damabaysay ee ay ku sugnaayeen oo ahayd halka loo yaqaano Jaamacadda, mana la oga halka ay ku suganyihiin madaxdii ururkan.

Dagaal seddex maalmood ah oo qaraar, qasaare badana uu ka dhashay ayaa ka dhacay magaalada kadib markii bishii hore si lama filaan ah ay xoogaga Ahlu Sunna ula wareegeen magaaladan muhiimka ah.

Wadahadalo la isku dayay dhawr jeer ayaa fashilmay, iyada oo ciidamada dowlada ay todobaad kasta kusii dhowaanayeen magaalada, illaa markii dambe ay jihooyin badan ka degaan.

War lagu soo daabacay idaacadda dowladda ee Raadiyoow Muqdisho ayaa lagu sheegay in ciidamada Ahlu Sunna ay ka tageen gaadiid dagaal oo ay Galmudug ay kaga qabsadeen dagaal bishii hore ka dhacay deegaanka Bohol. Warka Radio Muqdishow ayaa sidoo kale tubaaxaya in maydad loogu tagay goobihii ay ka baxeen Ahlu Sunna. Balse BBC-da ma xaqiijin karto warkan.

Qoorqoor

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye oo shalay warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in dhinacyo Soomaali iyo Ajnabi ahba ay ku lug leeyihiin dagaalka Guriceel , islamarkaasna ay ‘gadaal ka taaganyihiin’ kooxda Ahlu Sunna. Qoorqoor ma uusan sheegin kuwa ay yihiin dhinacyadaas, balse wuxuu sheegay in ay hayaan caddaymo ay soo bandhigi doonaan marka waqtigeeda la gaaro.

Waxa uu madaxda Ahlu Sunna ku eedeeyay in ay yihiin kuwa xil iyo dano gaar ah raadinaya.

Dhanka kale waxa uu isbitaalada ugu baaqay in si aan kala sooc lahayn loo wada daaweeyo dhaawacyada labada dhinac.

Awoodda Ahlu Sunna

Ciidamadii Ahlu Sunna ayaa ku biiray kuwa dowladda federalka ee Soomaaliya islamarkaana madaxdii Ahlu-sunna ayaa dalka dibadiisa aaday.

Wasiirkii hore ee amniga Galmudug Axmed Macallin Fiqi ayaa sheegay in ciidamada Ahlu sunna ay u badan yihiin dad mutadhawiciin ah.

“Horta Ahlu Suna waa dadka manhajka aaminsan ee ma jiro ciidan toos ah,” ayu yiri Mr Fiqi.

Waxaa uu intaa ku daray in ciidanka imika ka dagaalamaya Guriceel ay ku jiraan ciidamo ka soo goostay dowladda Soomaaliya, balse asalkooda ka yimid Ahlu-Sunna.

“Ciidankan Guriceel ka dagaalamaya waxaa ku jira qiyaastii 250 ciidanka dowladda ka tirsan laakiin asalkii hore Ahlu-sunna ka yimid, saraakiil qiyaastii ilaa 42 sargaal ayaa ku jirta oo tabashooyiin ka qaba maamulka Galmudug, “ayuu intaa ku daray.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here