Ganacsade caawa lagu dilay Muqdisho iyo raggii dilka fuliyey oo iyagana la dilay

muqdisho no4

Ciidamada ammaanka ayaa maqribnimadii hore ee caawa degmada Dharkenley ee gobolka Banaadir ku toogtay laba nin oo hubeysnaa, kuwaas oo la rumeysan yahay inay ka tirsanaayeen dagaalamayaasha Al-Shabaab.

Inta aysan ciidamadu toogan labadaas nin, ayaa waxaa la sheegay inay dileen nin ganacsade ahaa oo lagu magacaabi jiray Daahir Maxamed Gaab.

Sidoo kale kooxdan ayaa la aaminsanyahay inay fuliyeen dilal isla degmadaas Dharkenley loogu geystay ganacsade kale oo lagu bagacaabi jiray Axmad Dheere iyo sidoo kale wiil Dhakhtar ahaa oo caan ka ahaa degmada Dharkenley.

Laamaha amaanka dowladda Soomaaliya weli wax faahfaahin ah kama aysan bixin dhacdadaas.

Shaqaaqadan ayaa kusoo aadeysa iyadoo bandow habeenkii ah uu saaranyahay magaalada Muqdisho.

Toddobaadyadii dhowaa, kooxaha dilalka ka gaysta magaalada Muqdisho ee Al-Shabaab ayaa sii yaraanayey, waxaana kuwooda ku guuleysta inay dilal fuliyaan dhacday marar badan in ayagana la dilo ama la qabto

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here