Gantaal halis ah oo uu Ruushku tijaabay iyo Mareykanka oo ka cadhooday

missile russia

Mareykanka ayaa Ruushka ku cambaareeyay tijaabinta gantaal uu ku tilmaamay inuu yahay mid khatar ah. Waxa uu sheegay in mas’uuliyad darrada tijaabinta gantaalkaas uu halis geliyay shaqaalihii ku sugnaa xarunta hawada sare ee caalamiga ah ee ISS.

Tijaabada ayaa qarxisay mid ka mid ah dayax gacmeedyada Ruushka, kaas oo abuuray burbur ku khasbay shaqaalihii markabka ISS in ay gabaad ka dhigtaan mashiinada capsules-ka.

Saldhigga waxaa hadda ku sugan 7 shaqaale oo afar ay u dhalatay Maraykanka, nin Jarmal ah iyo labo Ruush ah. Baaxadda saldhigga hawada sare ayaa ah 420 kilomitir oo isku wareeg ah.

“Gelinkii hore ee maanta xilliga Marekanaka, Ruushka wuxuu si taxadar la’aan ah u sameeyay tijaabada dayax-gacmeedka wax burburiya ee gantaalaha tooska ah ee ka hortagga dayax-gacmeedka ee ka dhanka ah mid ka mid ah dayax-gacmeedkiisa,” ayuu yiri afhayeenka wasaaradda arrimaha dibadda Mareykanka Ned Price oo hadal kooban ka jeediyay.

“Khasaaraha Tijaabada waxay ilaa hadda horseedday in ka badan 1,500 oo xabo oo qashinka hawada sare ah taas oo khatar ku ah danaha dhammaan waddamada saldhigyada ku leh hawada sare.”

Wakaaladda hawada sare Ruushka ee Roscosmos ayaanan dhacdadan wax weyn ka soo qaadin.

Waxay u muuqataa in fikradda gantaalkan ay ka timid dayax-gacmeedkii Ruushka ee burburay, ee la oran jiray Kosmos-1408. Dayax gacmeedka basaaska oo hawada sare loo diray sanadkii 1982-dii, ayaa culeyskiisu ka badnaa hal tan, wuxuuna shaqada joojiyay sanado badan ka hor.

LeoLabs, oo ah shirkad la socota aaladaha ku burbura hawada sare, ayaa sheegtay in raadaarka xarunteeda New Zealand uu soo qabtay walxo badan oo ka yimid dayax-gacmeedka muddada dheer maqnaa.

Ben Wallace, Xoghayaha Difaaca UK, ayaa sheegay in tijaabadu “ay muujinayso ixtiraam la’aan buuxda oo dhanka amniga ah, badbaadada iyo joogtaynta hawada sare”.

“Qashinka ka dhashay tijaabadan wuxuu ku sii jirayaa saldhigga hawada sare ee dayax gacmeedyada kaas khatar gelinaya badqabka bini’aadamka sanadaha soo socda,” ayuu raaciyay.

Mr Price ayaa ku tilmaamay ficilka Ruushka mid “khatar iyo mas’uuliyad darro ah” wuxuuna sheegay inay muujinayso “in uu ka beensheegayo, munaafaqnimana ku jirta hubkiisa hawada sare.

“Maraykanka waxa uu la shaqayn doonaa asxaabteena iyo xulafadayada si ay uga jawaabaan falka Ruushka ee ay mas’uuliyad darrada ku dheehantahay,” ayuu yidhi.

Tijaabadu waxay dhacday iyada oo Mareykanka iyo xulafadiisa caalamiga ahi ay sii dardar gelinayaan sidii ay u sameysan lahaayeen hub isku -dheelitiran.

Bishii Luulyo, Ruushka ayaa sheegay inuu ku guuleystay tijaabada gantaal nooca loo yaqaan Tsirkon (Zircon) oo ah hub uu Madaxweyne Vladimir Putin ku tilmaamay inuu qayb ka yahay jiilka cusub ee nidaamyada gantaalada kaas oo mid la mid ah dunida uusan oolin.

Mareykanka ayaa horay u sheegay in kordhinta keydka hubka Nukliyeerka ee Shiinaha iyo Ruushka ay tahay arrin walaaceeda leh.

Dhanka kale Mareykanka ayaa kordiyay kaalinta uu ku leeyahay dhoofinta iyo iibinta hubka noocyadiisa kala duwan.

Sida uu sheegay machad cilmi baaris ku sameeya arrimaha hubka oo fadhigiisu yahay Sweden, Mareykanka ayaa 5-tii sano ee la soo dhaafay waxaa uu dhoofiyay 37% hubkii la iibiyay guud ahaan caalamka.

Goobaha kaydka gantaalaha ayaa ah sirta ugu sarreysa wadan kasta. Waxaa jir goobo been abuur ah oo loo sameeyay si loo marin habaabiyo waddamada cadowga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here