Gantaalka Shiinaha: Meelaha uu ku dhici karo ee la saadaaliyay

chinese rocket falling map

Raadaarada sida dhow ula socda gantaalka wayn ee Shiinaha waxay qiyaasayaan halka la filayo dhulka ee uu ku dhaci doono.

Gantaalkan wayn ee lagu magacaabo Long March-5b, oo ah sida gaari qaadi kara xamuulka, waxaa bishii la soo dhaafay loo diray saldhigga cusub ee Shiinaha uu ka sameystay Hawada Sare.

Balse, gantaalka oo ku soo wajahan dhulka, hadda waa la xakameyn waayay. Waa gantaalkii labaad ee ugu wayn ee la xakameyn waayay ee dhulka ku soo dhaca, 30 sano gudahood.

Labada maalmood ee soo socota gudahood ayaa la filayaa in uu dhulka ku soo dhaco. Saadaasha ugu badan waa saacadaha ugu horreeya ee Axadda. Balse mararka qaar wuu ka soo hormari karaa, sida khubarada ay sheegayaan.

Long March-5B

Sida caadiga ah, waxaa loo diyaariyay inuu xawaare caadi ah uu ku socdo, balse gantaalka Long March-5b, ayaa sare uga kacay heerkii loogu talagalay.

Xawaaraha uu dhulka ku soo gali doono waxay ku xiran tahay sida hawada ay tahay, xaalado badan sida joogga sare ee dhulka ah, ayaana arrintaa sababi kara. Xogtaas weli si wanaagsan looma hayo.

Waxaa la filayaa in inta badan gantaalkan ay gubato, marka uu hawada dhulka uu soo galo. Waxaa dhici karta in jajab waaweyn oo ka soo daada ay dhulka ku soo hoobtaan.

Markii arrin middan la mid ah ay dhacday sannadkii hore, jajabka biraha waxay hoobashadooda ka billaabatay xeebaha Ivory Coast, ee Afrika.

Fursadda ah in qofkasta oo dunida ku nool uu ku dhaco jab yar oo ka soo go’ay, waa arrin aad u yar, sababtoo ah, inta badan dhulka waxaa qarinaya biyaha badda. Sidoo kale, waxaa jiro dhul aad u wayn oo aan la deganayn.

Saadaasha waxay muujineysaa in dhul kooban la qiyaasayo in uu ku dhaco ama ay ku daataan jajabkiisa. Wuxuu ku socdaa si xagal silloon ah, wuxuuna ku aadan yahay dhul-baraha qiyaastii 41.5 degree.

Taas micneheedu wuxuu yahay in meesha laga saarayo in gantalkan iyo burburkiisa ay gaaraan meel ka baxsan 41.5 degrees, ee waqooyiga Loolka dhulka, ama meel ka fog 41.5 degree, ee dhanka loolka koonfureed ee dhulka.

BBC Laanteeda Afka Turkiga waxay qortay in diiwaanka lagu daray magaalooyiin ku yaalla Turkiga oo halis ugu jiri kara gantaalka Shiinaha.

Graphic showing key elements of China's space station
Qoraalka sawirka,Gantaalka Long March-5B waxaa hawada loo diray 29 April 2021

Shiinaha waxaa lagu eedeynayaa in ay taxadar la’aan wayn tahay in la ogolaado in gantaal wayn uu dhulka ku soo noqdo isagoo aan la xakameyneynin. Balse dowladda Shiinaha waxay reer Galbeedka ku eedeysay dacaayad in ay ku wadaan gantalkan.

Dr Hugh Lewis, oo ku taqasusay haraaga gantaallada looga soo tagay hawada sare, wuxuu sheegay in 60-kii sano ee la soo dhaafay in hawada sare laga buuxiyay qashin iyo jajabka gantallo.

Masuuliyadda qashinkaas ayuu ku eedeeyay dhowr dal, waxaana ugu badan Ruushka iyo Mareykanka.

Xilliga casriga ah, waxaa lagu baaqayaa in gantaallada hawada sare loo diro, in lagu xakameeyo halkaas, laguna xiro qalab u hagi kara in ay ku degaan meelo badqab ah, sida badda.

Laanta Cirbixiyeennada Yurub waxay sheegtay in sannadkasta illaa 100 dayax-gacmeed iyo gantaallo ay ku soo noqdaan dhulka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here