Gantaalkii hore ee soo dhacay kadib Shiinaha oo mid kale cirka u diray

gantaal chinese

Shiinaha ayaa hawada sare u diray sadex cirbixiyeen oo shaqo ka bilaabi doonaa saldhiga hawada saree cusub ee dalka.

Sadexda nin – Nie Haisheng, Liu Boming iyo Tango Hongo- ayaa sadex bilood joogi doona saldhigaa Tianhe oo 380 km dhulka u jira.

Cirbixiyeenadu si fiican bay ugu xidheen saldhigaa hawada sare tobada saacadood iyo dheeraad ka dib markii la ganay dayax gameedkii qaaday.

Markiiba waxa lagu soo dhaweeyey sacab iyo rayn rayn ka dhacday goobta hagida ee Shiinaha.

Lixdii bilood ee u dambeeyey dalku wuxuu ka soo qaaday muunad dhagax iyo ciid ah dayaxa waxaanu ku dajiyey robot lix taayir leh meeraha Mars.

Maxay shaqaaluhu ka qaban doonaan hawada sare?

Ujeedada koobaad ee taliye Nie Haisheng iyo kooxdiisa saarayn Shenzhou-112 waa in ay Tianhe Moduel oo miisaankiisu yahay 22.5 Tonne ah ka shaqaysiiyaan.

“Waxaan qabaa filasho badan” ayuu yidhi Nie intaanay dhulka ka tagin.

“Waxaan u baahanahay in aan guri cusub ka dhisano hawada sare oo aanu tiknoolajiyad cusub oo badan tijaabino. Markaa hawl galknai wuu adag yahay. Waxaan rumaysanaay in hadii aan sadexdayadu si dhaw u wada shaqyno aano samayn doono hawl fiican oo sax ah waxaanu ka talaabsan doonaa caqabadaha. Waxaan haysanaha kalsooni aanu hawl galka ku dhamaystirno”

Kan 16.6m dhererkiisu yahay baladhkiisuna 4.2m ee Tianhe ee sida dhululubo u samaysan waxa la ganay Abriil.

Waa kii ugu horeeyey ee saldhiga u ahaa qaybo badan oo markii dambe noqon doonaa ku dhawaad 70 tonne oo majiiraha ku wareega kana kooban goobo lagu noolaado, shay baadho saynis iyo xataa diirad Hublle-class ah oo kawn ka lagu eego.

Qaybaha kala duwan walxa la gani doonaa qayb ahaa dhawrka sano ee soo socda. Dhismaha waxa raaci doonaa shixnad joogta ah iyo sidoo kale shaqaale sahamin ah oo cusub.

Maxaynu ka naqaan cirbixiyeeada?

Maamulka Shiinuhu way qariyeen garashada cirbixiyeenad Shenzhou-12 ilaa shirkii jaraa’id ee Arbacadii.

Duuliye dagaal, Nie Haisheng, 56 jir ah ayaa la sheegay inuu yahay ninka ugu weyn cirbixiyeenada Shiinaha.

Saaxiibadiisa, Lieu Boming (54) iyo Tang Hongbo (45) ayaa sidoo kale iyaguna leh waayo aragnimo ciidamada cirka ah. Liue waayo aragnimadiisii uu hore ugu duulay hawada sare isaga oo saaran Shenzhou-7 2008 oo uu kaga qayb galay duulimaadkii hawada saree e Shiinaha

Dowladda Shiinaha maxay u eryaneysaa Imaamyada masaajidyada?

Tang ayaa ah ninka keliya ee aan khibarada lahayn ee safarkan ku jira oo aan hore isagu weligii ugu bixin hawada sare.

Waa maxay yoolka Shiinaha ee hawada sare?

Shiinuhu sanadadii u dambeeyey sir kamuu dhigin yoolkiisa hawada sare.

Lacag badan ayuu ku biiriyey dedaalka hawada sare sanadkii 2019 wuxuu noqday dalka koobaad ee dayax gacmeed aan cidi saarnay u dira dhanka fog ee dayaxa.

Laakiin way adag tahay inuu keligii saldhig hawada sare ah samaysto qayb ahaan sababta oo ah waxaa laga saaray mashuurca hawada sare ee caalamiga ah.

Maryakanka oo hogaaminaya iskaashiga Ruushka, Yurub, Canada iyo Japan aayaan iskaashi la yeelanayn dalkaa Aasiya ku yaal .

Dhankiisana Shiinuhu wuxu u sheegay in uu u furan yahay ka qayb galka shisheeyaha ee saldhigiisa. Tusaalaha koobaad tan macnaheedu waa inuu soo dhaweeyo tijaabooyinka sayniska. Tusaale ahaan Shenzhou-12 shaqaalihiissu waxay samayn doonaa baadhitaan kansar oo laga hogaaminayo Norway. Dhanka saldhiga dibadiisana, Hindiya ayaa u samaysay diirada lagu darsayo neefaha ka soo baxay hawada saree fog sida xidigaha qarxay oo kale.

Laakiin mustaqbalka dheer waxa dhici karta in sidoo kale ay booqdaan saldhiga dadka aan Shiine ahayn.

Ruushka oo tiknoolajiyada hore ula wadaagay Shiinah ayaa magacaabay suurto galinimada ah inuu cirbixiyeeno u diro.

Shirkii jaraa’id ee Arbacadii markii la shaacinayey shaqaalah Shenzhou-12w, Ji Qiming, oo ah kaaliyaha agaasimaha wakaalada duulimaadyada aadanaha ee Shiinaha ayaa yidhi “waanu soo dhawaynayaa iskaashi la xidhiidha arintan”.

Madaxweyne Xi Jinping ayaa sidoo kale isaguna taageeradiisa u muujhiyey dadaalka hawada saree e dalka warbaahinta dawlada Shiinuhuna waxay si joogto ah uga sheegtaa “riyada hawada sare” in ay tahay talaabo loo qaaday dhanka “dib u curashada qaranka”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here