Gantaallo laga soo riday Suuriyaa oo Israel ku soo dhacay

duqeyn xamaas

Isku dhacyada rabshadaha wata ee udhaxeeya ciidamada Israel iyo Falastiiniyiinta ayaa ku faafay inta badan dhulka la haysto ee Daanta Galbeed, kadib maalmo ay colaadi ka jirtay Qaza.

Ugu yaraan 10 Falastiiniyiin ah ayaa lagu soo warramayaa inay ku dhinteen rabshadaha ka socda Daanta Galbeed, halka boqolaal kalena ay ku dhaawacmeen.

Ciidamada Israel ayaa adeegsaday gaaska dadka ka ilmaysiiya, rasaasta cinjirka ah iyo iyo xabbad noolba, maadaama Falastiiniyiinta ay tuurayeen bambo gacmeed.Iska horimaadyada ka socda Daanta Galbeed ayaa calaamad u ah fiditaanka mid ka mid ah rabshadihii ugu xumaa ee gobolka ka dhaca sannado.

Ugu yaraan 126 qof ayaa lagu diley Gaza Halka ay sideed kalena dhanka Israel ku dhintay tan iyo markii uu dagaalku bilaabmay.

Tuulooyin iyo magaalooyin badan oo ku yaal Daanta Galbeed waxaa gilgilay banaanbaxyo cadheysan jimcihii, taasoo keentay baaqyada caalamiga ah ee ku aaddan in xaaladda la dejiyo.

Waxaa jiray dagaalo u dhaxeeyay askarta Israel iyo dhalinyarada Falastiiniyiinta ah, kuwaa oo u muuqda kuwo ay dabka kusii hurinayaan dhacdooyinkii usbuucii la soo dhaafay, sida uu sheegayo tifaftiraha BBC ee arrimaha carabta Sebastian Usher.

Dhanka kale, waxaa mudaaharaadyo ka dhaceed xudduudaha Urdun iyo Lubnaan ee Israa’iil, jimcihii.

Milatariga Israa’iil ayaa sheegay in howlgal ay sameeyeen habeenimadii ay ku burburiyeen shabakadaha iyo dhufaysyada dhulka hoostiisaee Hamas, laakiin ma jirin wax ciidan ah oo galay Gaza.

Waxay intaas ku dareen – intii lagu jiray fiidnimadii Khamiista iyo subaxnimadii Jimcaha – 220 madaafiic oo dheeraad ah in laga soo riday Marinka Gaza.

Koonfurta Israa’iil, haweeney 87 jir ah ayaa dhimatay ka dib markii uu ku dhacay gantaal dhisme ka agdhaw magaalada Ashdod. Meelo kale oo ay ku jiraan Ashkelon, Beer-sheba iyo Yavne ayaa sidoo kale la bartilmaameedsaday.

Wasaaradda caafimaadka ee Gaza ayaa sheegtay in 31 carruur ah ay ka mid ahaayeen dadka la dilay tan iyo markii uu dagaalku billowday, dad badan oo kale oo rayid ahna ay dhinteen. 950 kale oo reer Gaza ah ayaa sidoo kale la dhaawacay.

Israa’iil ayaa sheegtay in tobanaan ka mid ah dadka lagu dilay Qaza ay ahaayeen mintidiinta Hamas, waxaana dhimashada qaar ka mid ah gantaalo si khaldan looga soo tuuray Gaza.

Jimcihii, Qaramada Midoobay waxay sheegtay in dad lagu qiyaasay 10,000 oo Falastiiniyiin ah ay guryahoodii Gaza ka qaxeen tan iyo Isniintii sababo la xiriira isku dhacan.

Isku dhacan ayaa sidoo kale gaadhay kooxaha Yuhuuddaa iyo Carab Israeliyiinta ah oo kU dhex dagaalamaya Israa’iil gudaheed, taas oo keentay in madaxweynuhu ka digo dagaal sokeeye.

Wasiirka gaashaandhigga Benny Gantz ayaa amar ku siiyay ciidamada amniga in ay xakameeyaan qalalaasahaas, in ka badan 400 oo qofna waa la xiray.Booliska ayaa sheegay in Carabta Israel ay mas’uul ka ahaayeen dhibaatada inteeda badan halka ay iyagua iska fogeeyeen edaymahaas, kooxaha dhalinyarada yahuuda ah ay bartilmaameedsanaya guryaha carabta israel.

Ciidammada Difaaca Israel (IDF) ayaa hadda soo sheegaya in seddex gantaal laga soo tuuray dhanka Suuriya kuwaas oo ku aaddanaa Israel.

Qoraal ay soo dhigeen barta Twitter-ka ayay IDF ku sheegtay in mid ka mid ah gantaalada “uu ku dhacay Suuriya”, iyadoo aan bixin faahfaahin dheeraad ah

Warbaahinta Israel ayaa ku warantay in labada gantaal ee kale ay ku dheceen dhul banaan, iyadoo aan la diiwaan galin wax dhaawac ah.

Ma cadda cida ka dambeysay gantaalladan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here