GARAAD JAAMAC G. ISMAACIIL WUXUU DHIGAY TAARIIKH LAMA ARAG IYO LAMA MAQAL AH

isimo iyo gudiga aayo talinta6

Madaxda, Siyaasiyiin, Isimadda iyo Waxgaradka geyiga Soomaaliyeed wuxuu garaysan layahay sidii lama aragta iyo lama maqasha ahayd ee Garaad Jaamac Garaad Ismaaciil u maareeyey Kacdoonkii Jamaahiirta Laascaanood.

Ugu horeyn wuxuu si aan gabasho lahayn ula saftay shacabkiisii halganka ku jiray ee la dagaalamayey Maleeshiyaddii Magaalada Xasuuqa ka waday, markii labaad wuxuu si wanaagsan u maareeyey Dhalinyaradii iyo dadkii shacabka ahaa ee iyagoo aan waxba u diyaarsanayn maleeshiyadii Magaalada kala wareegay, ammaankii iyo kala dambeyntii ayaa mudo kooban lagu soo celiyey, wuxuu sameeyey maamul ku meelgaar ah oo 33 qof ka kooban, waxaa la soo saaray goaamo shacabku taageeray, wuxuu ku baaqay Aayo ka tashi sal balaaran, Wuxuu isugu yeeray Isimaddii kale, waxqabadkiisaas ayaa abuuray jawiga iyo rajadda ay maanta ku naaloonayaan shacabka SSC.

Wuxuu muujiyey dulqaad isagoo og in dad badani hoos ka xamanayeen ama Jamhadda SNM u tirinayeen, taas oo muujisay bisaylkiisa siyaasadeed iyo garashadiisa dadnimo.

GARAAD JAAMAC GARAAD ISMAACIIL WUXUU BAAL DAHABA KA GELI DOONA TAARIIKHDA, WUXUUNA NOQONAYAA NINKA KOWAAD EE TAARIIKHDA CASRIGA AH EE REER SSC ILAAHAY KASEKOW SUURTAGELIYEY INAY DHIBTAY KU JIREEN MUDADA DHEER KA BAXAAN, WAXAA XUSI DOONA JIILASHA SOO SOCDA, WAXAA LOO DHISI DOONAA TAALLO LAGU XUSUUSTO, INSHA ALLAAH.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here