GD SOMALILAND: DOORASHADA MADAXWEYNAHA XILLIGEEDA KUMA QABAN KARNO

Komishinka Doorashada SL

Guddiga doorashooyinka ee jamhuuriyadda iskeed madaxbanaanida ee Somaliland ayaa maanta ku dhawaaqay in aanay qaban karin doorashada madaxweynaha ee lagu waday in la qabto 13-ka bisha November.

Guddiga waxay sheegeen in farsamo iyo dhaqaale ahaan aysan diyaar u aheyn qabshada doorashada.

Waxay sidoo kale sheegeen in doorashada Madaxweynaha ay ku qaban karaan muddo 9 bilood ah laga bilaabo 1-da bisha Oktoobar ee sanadkan si ay isugu diyaariyaan qabashada doorashada.

Somaliland waxaa ka taagnaa khilaaf ka dhashay doorashooyinka iyadoo mucaaradka ay ku baaqayeen in doorashada lagu qabto xilligeeda.

Waxaa tallaabadan laga yaabaa in golaha guurtida Somaliland ay kordhiyaan muddo xileedka Madaxweynaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here