Gen. Caarre oo sheegay inuu qabtay wasiirka Gaashaandhiga Somaliland oo qabiilnimo ku sii daayey

gen caare

General Siciid Cawil Jaamac (Caarre) oo hoggaamiya jabhadda la dagaallanta Somaliland ee ku sugan magaalada Qardho ee xarunta gobolka Karkaar oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Garoowe ayaa ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah maamulka Somaliland.

Wuxuu sheegay in isaga oo kaashanaya dowladda Puntland uu dagaal ku qaadi doono degaannada ay soo galeen ciidamada Somaliland ee gobolka Sanaag, islamarkaana uu xabadda ka bilaabi doono gudaha magaalada Ceerigaabo sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale wuxuu ka jawaabay hadal ka soo yeedhay wasiirka Gaashaandhiga Somaliland oo ku hanjabay in la soo qaban doono Caarre, balse Caarre ayaa sheegay in isaga laftiisu uu dhowaan qabtay wasiirka Gaashaandhiga Somaliland markii dambena uu reer ahaan u siidaayey.

Halkaan ka daawo shirka jaraa’id

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.