GOAAMADDA LAGA SUGAYO ISIMADDA SSC IYO GUDIGA AAYO KA TALINTA

isimo iyo gudiga aayo talinta23

Isimadda Goboladda Sool, Sanaag iyo Cayn iyo Gudiga Aayo ka talinta waxaa la gadboon inay gartaan goaamadda shacabka SSC iyo Umadda Soomaaliyeed ka sugeyso, Qoraalka iyo baaqyadda aad soo saaraysaan waa inay noqdaan kuwo aqoon, garsho iyo daacadnimo ka muuqato.

UGU HOREYN WAA IN REER SSC IS CADEEYAA:

Ugu horeyn waa inay Reer SSC is sharaxaan tusaale ahaan, sheegaan in awooweyaashood ay u soo dhinteen diinta Islaamka, Soomaalinimada iyo xoriyadda, sidaasdarteed aanay marnaba gorgortan ka geli dooni midnimadda Soomaalida iyo Wadajirka Islaamka, cidkasta oo diidana ay u aqoonsan yihiin cadow Soomaaliyeed.

WAA INAY CADEEYAAN MAQAAMKA MAAMULKA HARGEYSA:

Hadaad Maamulka Hargeysa ugu yeertaan Somaliland, Maleeshiyada Degaamadda SSC joogtana aad Ciidamo ugu yeertaan, waad aqoonsateen, waa inaad shacabkiina, Soomaalida iyo Caalamka u cadeeysaan waxaad ka aaminsan tihiin, sida ugu fiican ee aad muujin kartaan waa inaad xulataan Magaca aad ugu yeeraysaan, si Soomaalida iyo Beesha Caalamku mowqifkiina u fahmaan.

Tusaale ahaan Waa in aad ku sifeysaan JAMHADDA GOONI-U-GOOSATADA SNM, iyo Maleeshiyadooda, waa sharaxaadda dhabta ah ee ku haboon in loogu yeero.

DHIBAATADA AY JAMHADDA SNM DEGAAMADDA SSC KA GEYSTEEN:

Waa in la cadeeyaa xasuuqyadii sida kuwii kalshaale iyo Laascaanood, dilalkii qorsheysnaa ee haldoorka lagu laayey, shacabkii iyagoo banaanbaxayo 16 sano xabadda lala dhacayey, beelihii laysku dirayey ee colaada laga dhex abuurayey iyo tacadiyadii kale, masuuliyadeedana jahmadda dusha laga saaraa, dabadeedna la codsadaa in illaa Daahir Rayaale Maxkamad caalamiya la soo taago.

GOAANKA SSC WAA JIHAAD.

Maadaama ay naftiinii, maalkiini, degaankii iyo sharaftii ku soo duuleen.

Maadaama ay ku sifoobeen cadowga midnimada Soomaalinimada.

Maadaama ay ka horyimaadeen wadajirka iyo in xarigga Illaahay muslimiintu wada qabsadaan.

Maadaama 16 sano la abhinayey sida diintu qabto oo ay diideen inay ka baxaan dhulka SSC.

Maadaama ay xasuuqyo, dilal iyo tacadiyo caadeysteen.

Maadaama wadahadal kasta oo lala galay ay iska indho iyo dhego tireen.

Shacabka Goboladda SSC waa in loogu baaqaa JIHAAD KA DHAN AH GOONI-U-GOOSATADA SNM.

BAAQA BEESHA CAALAMKA IYO SOOMAALIYA LOO DIRO:

Waa in baaq cad loo diraa beesha Caalamka iyo Somaliya, islamarkaa la muujiyaa sida shacabka SSC uga xun yahay in Madaxweynaha Soomaaliya uu Gooni-u-goosatada ugu yeero Dawladda Somaliland, lagana codsadaa in aanay mar dambe dhiirigelin gooni-u-goosatada.

GOAAN HORGALLADA LAGA QAATO:

Waa in la cadeeyaa in aan Horgalladu derajaduu doono ha lahaadee aanu Reer SSC ahayn, masiirkoodana aanu meteli karin, khasaarihii ama dilkii ay geystaana Horjooge Muuse Biixi iyo iyagu masuul ka yihiin.

DIGNIIN KU SOCOTA DHALINYARADDA KACDOONKA IYO HALGANKA WADA:

Dhalinyaradda SSC ee kacdoonka iyo Halganka waa inay iska jiraan khiyaanooyinka cadowgu ku fashilanayo, Waardiye ka hayaan ISIMADA, Gudiga Aayo ka talinta, iyo horgalladda qarsoon, Xusuusnaada Isimadu waa kuwii 15 sano midba Reer kale la joogay, oo mushaharka ka qaadanayey. waxa isu keenay garasho iyo danta SSC maaha ee waa dhiigiinii iyo kacdoonkii aad joojin weydeen, dad badan oo hadda talada ku dhexjiraa raali kama aha. Banaanbaxyaddu ha socdaan oo muujiya in wixii aydaan rabin aydin u hongaansami doonin.

Maamul iyo kala dambeyn sameysta, ilaa hadda cid kala sareysaa ma jirto, geesigii soo baxa ayaa hogaamiye ama taliye ciidan noqon doona, Halganka gacmihiina waxaan ahayn haku aaminina.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here