Go’aan cusub oo laga gaaray howlgalka QM ee Soomaaliya

james swan

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay oo maanta kulan ka yeeshay dib u eegista howl-galka Qaramada ee taageerada Soomaaliya, ayaa go’aan ku gaaray in muddo kordhin loo sameeyo howl-galkaas.

Xubnaha golaha amaanka ayaa isku raacay in UNSOM loo kordhiyo muddo 9 bilood ah xili howleedkeeda oo ku eeka maanta oo ay taariikhdu tahay 31-ka August ee 2021-ka.

Qaraarkaan ayaa tirsigiisu ahaa 2592, wuxuuna dhaqan-gelkiisu ka dhigaya in howl-galka Qaramada Midoobay ee taageerada Soomaaliya uu markale soo idlaan doono 31-ka bisha May ee sanadka soo socda ee 2022-ka.

Sidoo kale waxaa qaraarkaan lagu xusay in howl-galka UNSOM uu sii wado xiriirinta dadaalada Qaramada Midoobay iyo inay Iskaashi buuxda la yeeshaan dowladda federalka iyo dowlad-gobaleedyada xubnaha ka ah.

Waxaa si gaar ah loogu sheegay qeyb kamid ah qaraarkaas in howl-galka QM ee Soomaaliya ay qeyb ka tahay dhamaystirka heshiiskii laga gaaray nidaamka doorashada ee Soomaaliya, oo gaabis badan ku yimid.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here