Golaha Ammaanka ee QM oo maanta shir ka yeelan doona Arrimaha Soomaaliya

un security c somalia

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa maanta shir ka yeelan doona arrimaha Soomaaliya – qodobbada ay ka hadli doonaan waxaa ka mid ah doorashooyinka iyo arrimaha bani’aadamnimada.

Waxaa warbixinno kooban siin doona golaha Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, James Swan, iyo Madaxa AMISOM, Francisco Madeira.

Toos halkan uga daawo 5-ta galabnimo xilliga Muqdisho, webtv.un.org.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here