Golaha Ammaanka QM oo ku guuldarestay iney bayaan ka soo saaran doorashada Soomaaliya

un security c

Shir gaar ah oo Xubnaha Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ka yeeshay doorashooyinka Soomaaliya, ayey ku guuldaraysteen iney bayaan wadajir ah ka soo saaran Golaha.

Kulankan oo ahaa mid uu albaabada u xirnaa ayaa waxaa marka hore warbixin looga dhageystay ergayga Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya James Swan, kadib golaha ayaa ka hadlay xaaladaha soo kordhay & khilaafka siyaasadeed ee ka jira dalka.

Wararka soo baxayaa ayaa sheegaya in Wakiilka dowlada Ingiriiska iyo safiirada kale ay soo jeediyeen in Dawladda Soomaaliya lagu qasbo inay dib ugu laabato wadahadaladii Teedhada Afisiyooni, laakin soo jeedintooda waxaa ka horyimid oo diiday dowlado ay ka mid yihiin kuwa leh diidmada qayaxan ee VETO, kuwaas oo ku dooday inay tahay faragelin qaranimada Soomaaliya.

Ergayga Norway ee Golaha Ammaanka ayaa qoray “Dariiqa kaliya ee u furan Soomaalida waa in dib loo billaabo wadahadalladii doorashada ee ku saleysanaa heshiiskii 17 September”.

Si kastaba waa markii ugu horeysay mudo 30 sano ah ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ay ku guuldareystaan inay go’aan wadajir ah ka soo saaraan arimaha Soomaliya, taasoo markhaati u ah siyaasada xoogan ee ay ciyaartay Dawlada Federaalka Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here