Golaha Wasiirada oo maanta ansixiyey guddi muhiim ah

Golaha Wasiirada dfs

Shirka Golaha Wasiirrada Soomaaliya oo shir guddoominayay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa lagu ansixiyey Guddiga sare ee maamulka Hay’adda qaran ee naafada Soomaaliyeed, xubin ka bannaanatay guddiga madaxa bannaan ee xuduudaha iyo federaalka iyo xubin laga saaray guddiga maamulka hay’adda batroolka Soomaaliyeed.

Golaha Wasiirrada ayaa warbixinno la xiriira amniga guud ee dalka ka dhageystay Wasiirrada Amniga Gudaha iyo Gaashaandhigga, waxayna tilmaameen in Ciidanka qaranku ay u diyaarsan yihiin sidii loo xaqiijin lahaa amniga iyo xoreynta dalka.

Xubnaha Golaha Wasiirrada ayaa wadajir uga tacsiyeyeey geerida guddoomiyihii degmada Hodan ee Gobolka Banaadir oo xalay ku geeriyooday fal nasiib darro ah oo ka dhacay Muqdisho, waxayna fareen hay’adaha ammaanka in baaritaan dhab ah lagu sameeyo sababaha keenay dhacdadan.

Wasaaradda Caafimaadka ayaa golaha la wadaagtay warbixinnadii ugu danbeeyey ee caabuqa COVID-19 iyo dadaalka ay waddo dowladdu ee la xiriira sidii bulshada looga wacyigelin lahaa dhibaatada uu leeyahay xanuunkan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here