Goodax “Puntland waa inay Imtixaanka galaan ama aysan Shahaado soo raadsan”

xildhibaan goodax barre

Wasiirka Waxbarashada dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya C/llaahi Goodax Barre ayaa sheegay in aan weli xal loo helin khilaafkii ka taagnaa Imtixaanka Shahaadiga ee Dugsiga Sare ee u dhaxeeyay Wasaaradda Waxbarashada iyo Maamulka Puntland.

Wasiir Goodax oo wareysi siiyay Telefishinka BBCSomali ayaa sheegay in Puntland iyo wasaaradda waxbarashada ee dowladda dhexe ay weli ku kala aragti duwan yihiin imtixaanka, isagoo xusay in aanay macquul aheyn inay helaan Shahaado aysan shaqeysan.

“Puntland aragtidooda waxa waaye Imtixaanka annagaa qaadeyno, Wasaaradda Waxbarashada oo Imtixaanka agaasinto ma rabno in aan wax la wadaagno in macluumaadka ardayga u sheegno, anaga agaasimeena, kaliya Wasaaradda waxbarashada shahaadada ha siiyaan, anagana waxaa niri arrintaas macquul ma ahan, inay ayaga is maamulaan anagana aan shahaado bixino oo aysan shaqeysan cadaalad ma ahan “ayuu yiri Wasiir Goodax.

Waxaa uu sheegay in wax badan ay isla soo mareen Puntland arrimaha ku saabsan imtixaanaadka, isagoo tilmaamay in xataa ay ujeediyeen inay iyaga Imtixaanka agaasimaan, isla markaana Wasaaradda Waxbarashada ay noqoto kormeerayaal ay diideen.

“Puntland waa in ay imtixaanka galaan ama aysan shahaado soo raadsan oo ay isku filnaadaan”ayuu mar kale yiri Wasiirka Waxbarashada dowladda Federaalka C/llaahi Goodax Barre.

Maamulka Puntland ayaa dhowaan ku eedeeyay wasaaradda waxbarashada inay shahaadada u diideen Ardayda ka soo jeeda Puntland ee galay imtixaanaadkii deegaanada Puntland, iyadoo Wasaaradda ay diiday in Imtixaan aysan Wasaaradda agaasimin ama la socon aysan shahaadadiisa bixin doonin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here