Gorgor si yaab leh dhaawac iyo dil ugu gaystay caruur ku sugneyd dhulka DDSI

gorgor

Dadka ku nool degmada Gaashaamo ee gobolka Soomaalida, Itoobiya ayaa sheegay in ay arkeen shimbir wayn oo loo maleynayo inuu gorgor yahay oo Caruurta qaadaya.

Hal canug ayaa dhintay laba kalena way ku dhaawacmeen weerarka uu shimbirkaas halista ah uu qaaday.

Maamulka waxay aaminsan yihiin in arrintan ay ugu wacantahay abaaraha ka jiray gobolka.

Muno Shuceyb waa hooyada dhashay mid ka mid ah carruurta dhaawacantay. Waxay BBC Somali u sheegtay in ay maqashay canuggeeda oo qeylinaya ka dibna ay dibadda u soo carartay.

Waxay tiri: “Waxaan maqalnay canugga oo aad u qeylinaya, guriga ayaanna orod uga soo baxnay. Waxaan arkay isagoo inanka dhulka ku haya oo afka ku garaacaya. Wuxuu ku qeylinayay ‘hooyo…hooyo’. Waan ku cararay waana ka fujiyay. Wuxuu ku hayay gacmaha oo dhulka ayuu ku baqtiinayay.”

Maxamed Xasan waa askeriga booliska ee qaabilsan nawaaxigaas, wuxuu BBc Somali u sheegay in askar badan ay geeyeen howdka, lana amray in la toogto gorgorkaas weerarka ah.

“Wallaahi, tan iyo dhacdadaas ka dib, waxaa jiro howlgal boolis oo socda. Askarta waxaa la geeyay meesha iyo keynta. Waxaa bixinay amar ah ah in la dilo balse weli wuu socdaa baadigoobka”. ayuu yiri.

Xigasho BBC

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here