Guddiga doorashada ee qaar ka mida Gobolada Waqooyi oo hogaan doortay

Guddiga doorasha Somaliland-df

Guddiga doorashooyinka gobolada Waqooyi Galbeed, SAwdal, iyo Togdheer ayaa doortay guddoon ka dib doorasho ka dhacday xerada Afisyooni.

Waxaa Guddoomiyaha guddiga loo doortay  Khadar xariir Xuseen, iyada oo aysan goobta soo xaadirin Afartii Xubnood ee Gudoomiye ee uu soo magacaabay Gudoomiye Cabdi Xaashi.

Doorashada ka dhacday xerada Afisyooni ayaa waxaa amarkeeda lahaa Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble.

Goobta ay doorashada ka dhacday ayaa waxaa ku sugnaa wasiiro iyo xubno ka socday Xafiiska Ra’iisulwasaare Maxamed Xuseen Rooble.

Guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi Cabdullaahi oo ka hadlay munaasabad ka dhacdey magaalada Muqdisho ayaa wuxuu ku eedeeyay ra’iisul wasaare Rooble inuusan dhexdhexaad ka ahayn khilaafka siyaasiyinta gobolada Waqooyi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here