Guddiga doorashada oo ku hanjabay in xildhibaannada Puntland iyo Jubbaland Muqdisho lagu dooranayo

gudiga doorashada 2021

Guddiga doorashooyinka ayaa ku hanjabay inay doorashada xubnaha baarlamanka kasoo galaya Puntland iyo Jubaland ku qaban doonaan magaalada Muqdisho, haddii xal laga waayo labadaas maamul.

Ibraahim Xasan Xaaji oo xubin ka ah guddigan, kana soo galay dhanka maamulka Koonfur Galbeed, ayaa wakaaladda wararka AP u sheegay in labadan maamul la siiyey waqti badan si ay qeyb uga noqdaan doorashada.

“Gobollada diidmada wada waxaa la siiyey waqti ku filan oo ay uga qeyb-galaan doorashada, haddii kale waxaan ku qasbanaan doonnaa inaan doorashada qabano la’aantood, islamarkaana xubnaha wakiiladooda lagu doorto halkan Muqdisho ah,” ayuu yiri. 

Waxaa xusid mudan in hadalkan uu Ibraahim u sheegay AP kahor inta aanu madaxweyne Farmaajo ku dhowaaqin shir ka dhacaya magaalada Dhuusamareeb, hase yeeshee wuxuu hadalkiisa ifinayaa qorshaha dowladda federaalka.

Maamulka Koonfur Galbeed ee Ibraahim uu ku matalo guddiga ayaa marar badan la rumeysnaa inuu noqon doono kan ugu horreeya ee qabta doorasho hal dhinac ah.

Dhinaca kale, Xuseen Sheekh Cali oo madax ka ah machadka daraasaadka amniga ee Hiiraan, oo isna la hadlay AP, ayaa sheegay in qabashada doorasho hal dhinac ah aan looga dulqaadan karin Soomaaliya. 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here