GUDDIGA DOORASHOOYINKA SOOMAALIYA OO ILAA AMAR DAMBE LAGA MAMNUUCAY DEGAANNADA PUNTLAND

puntland logo

Dowladda Puntland ee Soomaaliyeed, ayaa maanta oo Khamiis ah albaabada u laabtay xafiiskii Guddiga Doorashooyinka dowladda Federaalka Soomaaliya, uu ku lahaa magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland.

Qoraal ka soo baxay Xafiiska Wasiirka Arrimaha Gudaha dowladda Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad, ayaa lagu wargeliyay Maamulka Gobolka Nugaal, in Wasaaraddu ay xirtay Xafiiskii Guddiga Doorashooyinka dowladda Federaalka Soomaaliya uu ku lahaa Garowe, laga bilaabo maanta oo ku beegan 6 February 2020.

Qoraalka ayaa sidoo kale lagu wargeliyay dhammaan Guddoomiyaasha gobollada iyo Degmooyinka Puntland, in ilaa iyo amar dambe Guddiga Doorashooyinka heer Federaal, aysan wax shaqo ah ka qaban Karin Gobollada iyo Degmooyinka Puntland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here