Guddiga doorashooyinka Soomaaliya oo ka hadlay diyaargarowga doorashada Aqalka Hoose

doorasho soomaaliya

Guddiga doorashooyinka dadban ee heer federaal ee Soomaaliya ayaa sheegay in meel wanaagsan ay u marayso diiwaangelinta ergadii dooran laheyd 9 xildhibaan oo ka tirsan kuwa gobollada waqooyi.

Guddigu waxa uu sheegay in doorashada xildhibaannada Golaha Shacabka ay diyaar u yihiin inay qabtaan oo ay sanaadiiqdii codbixinta geeyeen magaalooyinka laga codaynayo hasayeeshee ay wax ka dhiman yihiin maamul goboleedyada.

Dhanka kale guddiga doorashooyinka ayaa 82 kursi oo ka mid ah 275-ka kursi ee Golaha Shacabka waxa ay u xireen haweenka.

Waxaa arrimahaas BBC-da uga warramay Axmed Aadan Dagaal (Safiina) oo ah afhayeenka guud ee doorashada Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here