Guddigii Farsamada doorashooyinka oo kulan la qaatay saraakiil QM ka tirsan

doorasho soomaaliya

Guddigii Farsamada arrimaha doorashooyinka ee uu dhawaan magacaabay Ra’iisal wasaaraha xukuumadda Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble ayaa maanta magaalada Muqdisho kulan kula qaatay saraakiil sarre oo ka socota Qaramada Midoobay.

Guddiga Farsamada iyo Kooxda ka socotay QM ayaa ka wada-hadlay arrimaha doorashooyinka, gaar ahaan isu-duwida iyo mideynta howlaha lagu taageerayo dadaalada Ra’iisal wasaare Rooble ee hirgelinta doorasho daah-furan oo u dhacda si xor iyo xalaal ah.

Labada dhinac ayaa isla qaatay muhiimadda ay xiligan leedahay dar-dar gelinta hanaanka doorashada, maadama uu heshiiskii dhawawan lagu saxiixay magaalada Muqdisho dhigayay in muddo ku siman lixdan maalmood ay ku dhacdo doorashada.

Kooxda ka socotay Qaramada Midoobay ayaa xubnaha Guddiga u ballan-qaaday inay kala shaqeyn doonaan howlahooda ku aadan hirgelinta arrimaha doorashooyinka ee uu u igmaday ra’iisal wasaare Rooble.

Kulankan ayaa qeyb ka ah kulamo ay Guddiga farsamada ka bilaabeen magaalada Muqdisho, kaasi oo lagu dar-dar gelinayo howlaha doorasho ee loo xil-saaray.

Guddiga ayaa farsamo ahaan ka shaqeyn doona sida uu kal hore sheegay xafiiska ra’iisal wasaaraha doorasho xor iyo xalaal ah oo ku saleysan heshiiskii 27-kii May, ayaga oo qeyb weyna ka qaadan doona xiriirinta Golaha Wadatashiga Qaran, Beesha Caalamka, iyagoo sidoo kale taageero farsamo siin doona guddiyada madaxa bannaan ee doorashooyinka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here