Guddoomiyaha Aqalka Sare DF oo kulan la qaatay James Swan

cabdi xaashi iyo james swan

Guddoomiyaha Aqalk Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa Maanta Magaalada Muqdisho kula kulmay  Ergayga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay ee u qaabilsan Soomaaliya ee James Swan.

Kulanka u dhexeeyay Guddoomiye Cabdi Xaashi iyo Ergayga Gaarka ah ee Qaramada Midoobay ayaa waxaa looga hadlay Arrimo kala duwan oo ku aadan xaalada siyaasadeed dalka iyo Arrimaha Doorashada.

Sidoo kale kulanka labada dhinac ayaa sigaar ah diirada loogu saaray sharciga doorashooyinka qaranka, kaas oo hor yaalla hadda Xildhibaanada Aqalka Sare.

Ergayga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa ku tilmaamay sharcigan talaabo taariikhi ah oo loo qaaday dhanka dhismaha nabadda, isagoo boorriyey in wakhtigiisa lagu meel mariyo si uu ula jaan qaado doorashada 2020.

Guddoomiyaha Aqalk Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Cabdi Xaashi Cabdullaahi ayaa James Swan uga mahadceliyay howlaha wanaagsan ee uu ka wado dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here