Guddoomiyaha G/Banaadir oo dhagax dhigay dhismaha Mashruuc cusub (Sawirro)

cumar filish dhagaxdhig1

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa dhagax dhigay mashruuc degmada Kaxda oo lagu dhisaayo xarun Caafimaad oo bulshada si bilaash loogu adeego.

Mashruucan ayaa qeyb ka ah mid lagu hirgalinaayo iskuul ay caruurta si bilaash ah wax ugu bartaan iyo sidoo kale Masjid lagu cibaadeysto.

Guddoomiyaha degmada Kaxda Maxamed Yuusuf Maxamed ayaa Mashaariicdan la dhagax dhigay ka warbixiyay

Guddoomiye ku-xigeenka howlaha guud ee maamulka gobolka Banaadir Aadan Sheikh Cali Fiidow ayaa isna tilmaamay in muhiimad gaar ah ay siin doonaan hirgalinta adeegyada aas aasiga ah.

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa balan qaaday in maamulkiisa uu xoojin doono mashaariicda kor loogu qaadayo dib u dhiska caasimadda iyo soo celinta adeegyada bulshada.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here