Guddoomiyaha G Banaadir oo xariga ka jaray waddo muhiim ah dayactir lagu sameeyay

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa maanta xariga ka jaray dhismaha wadada isku xirta Isgoysyada Siinaay iyo Baar Ayaan ee degmooyinka Warta-Nabada iyo Yaaqshiid.

Duqa Muqdisho Cumar Filish ayaa kula dardaarmay bulshada Caasimadda ku nool iney xoojiyaan ilaalinta nadaafada iyo bilicda wadooyinka.

“Waxaan maanta xariga ka jaray dhismaha wadada isku xirta Siinaay iyo Baar-Ayaan ee degmooyinka Warta Nabada iyo Yaaqshiid, waxaan ugu baaqaya bulshada caasimadda in ay muujiyaan doorkooda ku aadan ilaalinta nadaafada iyo bilicda ayuu yiri” Guddoomiye Filish oo ka hadlayay munaasabada xarig ka jarida wadadan.

Wadada isku xirta Isgoysyada Siinaay iyo Baar Ayaan ayaa waxaa ay kamid tahay wadooyinka ugu muhiimsan Caasimadda ee badi bulshada ay isticmaalaan.

Dayactirka wadadan ayaa waxa iska kaashaday maamulka gobolka Banaadir iyo qaar ka mid ah ganacsatada magaalada Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here