Guddoomiye Cumar Filish oo xariga ka jaray xarunta daryeelka Carruurta dayacan iyo Agoonta

cumar filish3

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho mudane; Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish), ayaa Maanta xariga ka jaray dib u howlgelinta xarunta daryeelka Carruurta dayacan iyo kuwa Agoonta ah ee Degmada Warta Nabadda.

Xarig jarka kadib ayaa Duqa Magaalada Muqdisho mudane; Cumar Filish waxa uu kormeeray qeybaha ay xaruntani ka kooban tahay ee loogu talagalay in lagu daryeelo Caruurta agoonta ah iyo kuwa dayacan si ay u helaan fursad lamid ah kuwa ay Waalidiintooda nool yihiin.

Dhanka kale, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, mudane; Cumar Filish,  ayaa digniin u diray Dadka sida qaldan u isticmaala Dhulalka danta guud ee Bulshada loogu adeegi lahaa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here