Gudoomiyaha Baarlamanka Puntland oo dhaliilay xildhibaanno ka baxay hoolka intii khudbadaha murashixiintu socdeen

baarlamaanka puntland

Guddoomiyaha Baarlamanka Puntland,Cabdixakiin Maxamed Axmed (Dhoobo) ayaa dhaliilay qaar kamid ah xildhibaannada oo ka baxay hoolka Baarlamanka intii ay socotay dhegaysiga khudbadaha murashixiinta u tartamaya xilka madaxtinimada Puntland.

 wax 30 ka yar baa fadhiya Xildhibaanadii la rabey inay khudbadaha dhegaystaan maxaa beri ku qiimayn doontaan khudbadihii la jeediyey hadaad dareerteen” ayuu yiri guddoomiyaha Golaha wakiilada mudane Cabdixakiin Dhooba-dareed.

Dhinaca kale murashax madaxweyne ku xigeen Saadiq Eenow ayaa sheegay, in uu iska’ laabay warqaddii khudbaddu ugu qorneyd, kadib markuu arkay xildhibaannadii dhegaysan lahaa oo banneeyay xarunta Golaha wakiilada.

Inta badan mudanayaasha Baarlamanka ayaa ka baxay xarunta, iyadoo ay socoto khudbad-jeedinta murashixiinta,lamana ganayo sababta keentay in xildhibaannadu ay banneeyaan kuraastax, xilli ay socdaan khudbadihii lagu kala saari lahaa murashixiinta.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.