Guriga guddoomiyaha degmada Dayniile ee Howl-Wadaag oo qarax lagu weeraray

qarax muqdisho isgoys jubba 2282015 3

Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya Degmada Howlwadaag ee Gobolka Banaadir waxaa caawa fiidnimadii oo bishu ahayd 12.1.2019 bambo gacmeed lagu weeraray hoyga uu degan yahay Gudoomiyaha Degmada Dayniile Maxamed Abuukar Jacfar.


Jacfar ayaa degan guri ku yaalla wadada ka degta Isgoyska Dabka ee dhanka Isgoyska Bakaaraha aada, halkaasi oo ah goobta bambada lagu tuuray.

Ciidamada illaalada guriga Gudoomiye Jacfar ayaa markii qaraxa bambada lagu weeraray kadib waxa ay fureen rasaas xooggan.

Illaa hadda lama sheegin cid ku dhimatay weerarkaas, balse waxaa la sheegayaa dhaawacyo soo gaaray saddex ruux oo shacab ah.

Dhowr habeen ayaa sidan oo kale qarax bamgacmeed loogu weeraray guriga uu degan yahay Gudoomiye Maxamed Abuukar Jacfar.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.