Guudlaawe oo qaadacay shirka ka furmaya Muqdisho

Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe

Madaxweynaha maamulka HirShabelle Cali Guudlaawe ayaa si lama filaan ah u qaadacay shirka ra’iisul wasaare Rooble iyo madax goboleedyada uga furmaya magaalada Muqdisho ee ku saabsan arrimaha doorashada.

“Dowladda Hirshabeelle waxay cadeyneysaa inaysan qeyb ka ahayn shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee Dowladda Federaalka, Dowladaha Xubnaha ka ah iyo Maamulka Gobolka Banaadir berri uga furmaya magaalada Muqdisho,” ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay HirShabelle. 

Qoraalka kasoo baxay madaxtooyada HirShabelle ayaa qaadacaadda sabab looga dhigay inaan lagala tashin qabsoomidda shirkan. “Dowladda HirShabeele maadaama aysan talo ku lahayn qabsoomida shirka, wixii kasoo baxa ma noqon doonaan wax quseeya dowladda HirShabelle,” ayey tiri HirShabelle

HirShabelle ayaa ugu dambeyn sheegtay inay dhowri doonto fulinta heshiiskii 17-kii September iyo kii 27-kii May ee lagu saxiixay magaalada Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here