Habraaca doorashada golaha shacabka oo lasoo saaray

doorasho soomaaliya

Guddiga hirgelinta doorashooyinka heer Federaal ayaa goordhowedyd soo saaray Habraaca iyo shuruudaha loo marayo hanaanka doorashada xildhibaanada Golaha Shacabka ee 2020/2021-ka.

Habraaca doorashada golaha shacabka ee uu soo saaray Guddiga doorashooyinka heer Federaal ayaa ka kooban 10 bog, wuxuuna awooda u badan siinaya guddiga.

Ergada doorashada ayaa waxaa soo xuleysa guddiga xulista ergada oo ka kooban Oday dhaqameedyo iyo wakiilo ka socda bulshada rayidka oo ka wada tirsan beesha ama jifooyinka wadaaga kursiga, sida uu dhigayo habraacan cusub.

Habraaca ayaa qeybtiisa qaab-dhismeedka Guddiga xulista Ergada lagu sheegay in xulida ergada Somaliland ay noqon doonto mid wadaag ah, taasi oo muddooyinkii dambe uu ka taagna khilaaf.

Sidoo kale habraaca ayaa dhigaya in shanta xubnood ee soo xulaya ergada uu soo dooranayo Duubka ugu sareeya dhaqanka beesha ama jifada wadaagta kursiga, ayaga oo la tashanaya Nabadoonada/Caaqillada beesha.

Lacagta diiwaan-gelinta Musharaxiinta u tartamaya Golaha Shacabka ayaa waxa uu guddiga shaaciyey in raga laga qaadi doono lacag dhan 10 kun oo doolar, halka dumarka Musharaxiinta ah laga qaadi doono 5 kun oo dolar.

Haddaba hoos ka aqriso habraaca oo dhameystiran

CUTUBKA 1AAD: Qaab-dhismeedka Guddiga Xulista Ergada

  1. Ergada Doorashada waxaa soo xulaya Guddiga Xulista Ergada oo ka kooban odaydhaqameedyo iyo wakiilo ka socda bulshada rayidka oo ka wada tirsan beesha ama jifooyinka wadaaga kursiga.
  2. Beel ama Jifo kasta ee wadaagta kursi waxaa xulista ergada ku matalaya 3 oday dhaqameed oo jifadaas ama beeshaas ah iyo labo (2) wakiil oo ka socda bulshada rayidka ee beeshaas/Jifadaas, labada wakiil ee bulshada rayidka waa in mid ka mid ah tahay haween.
  3. Xullidda eragada Somaliland waxay noqonaysaa wadaag.
  4. Ergada wax dooranaysaa waa inay matalaan dhammaan jilibyada ay ka kooban tahay jifada ama beesha kursiga iska leh.
  5. Xubin kasta oo ka mid ah Guddiga Xulitaanka Ergada (GXE) kama tirsanaan karto guddi xulis ergo kursi kale.
  6. Kursi kasta ee ka mid ah 275ta kursi wuxuu lahaanayaa guddi shan xubnood ah oo soo xula ergo (101).
  7. Xubin ka tirsan Guddiga Xulista Ergo ma noqon karo guddi xulista ergo kale ama murashax doorashada u tartama.
  8. Guddiga Xulista Ergada wuxuu u soo xulayaa ergada doorshada si wadarogol ah.

Bulshada Rayidka waa:-

  • Guddiga Xulista Ergada kursi waliba waxaa uu yeelanayaa labo (2) xubnood oo ka socda bulshada rayidka ah.
  • Labada (2) xubnood ee bulshada rayidka matala waa in xubin kamid ah haween noqoto.
  • Bulshada Rayidka, waxay ka kala imaanayaan qaybaha kala duwan ee bulshada sida culimada, ganacsatada, macalimiinta, takhaatiirta, dadka gargaarka ka shaqeeya iyo dadka baahiyaha gaarka ah qaba ee ka soo jeeda beesha ama jifada kursiga iska leh.

Habraaca guddiga xulista ergada:

Xubanaha soo xulaya ergada waa shan (5) xubnood, waxayna ku imanayaan:-

  • Duubka ugu sareeya dhaqanka beesha ama jifada wadaagta kursiga ayaa soo xulaya shanta xubnood, isagoo la tashanaya Nabadoonnada/Caaqillada.
  • Shanta Xubnood waxay soo xulayaan ergada (101) boqol iyo kowda qof ah, ayagoo la tashanaaya Nabadoonmnada, Samadoonnada iyo wax garadka beesha ama jifada wadaagta kursiga.

Shaxda Xulista Ergada

Kursi kasta oo ka mid ah 275ta kursi ee Golaha Shacabka waxa dooranaya 101 ergo, iyadoo la hubinayo in qaybaha kala duwan ee bulshada ay u dhanyihiin. Guud ahaan tirada ergada ka qayb-qaadaneysa doorashada xubnaha Golaha Shacabka 2020/2021 Jamhuuriyadda Federalka Soomaaliya waa 27,775 ergey, iyadoo kuraasta Somaliland ay yihiin ergo wadaag.

Xogta iyo War-galinta Beelaha.

Guddiga Maamulka Doorashooyinka ee Heer Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka waxay ku war-galiyaan duubabka dhaqanka inay soo xulaan guddiga xulista ergooyinka.

Waxaana la siinayaa:

  • Foomka Guddiga Soo Xulista ergada, si ay u buuxiyaan una saxiixaan

Kadib marka ay duubabku soo gudbiyaan liiska guddiga soo xulista ergada, waxaa guddiga xulista la siinayaa:-

  • Qoraal tilmaamaya shuruudaha ergada laga rabo
  • Foomka Liiska Ergooyinka

Guddiga Xulista Ergooyinka waxay soo gudbinayaan liiska ergada kursi kasta ee loo qoondeeyay beesha/jifada, iyagoo adeegsanaya foomka diiwaangalinta ergada oo ay soo wada saxiixeen guddiga xulista ergada kursigaas, kaasoo caddeynaya qoondada haweenka, qaybaha bulshada ee ka qayb noqonaya ergada.

Guddiga Maamulaya doorashada heer Maamul goboleed ayaa ka qaadaya laba sawir oo teesare ah xubin kasta oo ergada ka mid ah.

Shuruudaha Ergayga: 

Xulashada qofka ka mid noqonaya ergada-doorashada waxaa saldhig u noqonaya shuruudahan soo socda:

  1. In uu yahay Soomaali, kana tirsanyahay beesha/jifada kursiga iska leh
  2. In da’diisu aanay ka yareyn 18 sano
  3. In miyirkiisu dhanyahay, awoodna u leeyahay in uu codeyn karo.
  4. In uu fahamsanyahay masuuliyadda doorashada.
  5. in uusan ahayn musharrax u taagan labada aqal midkoodna.
  6. Inaysan maxkamadi ku ridin xukun ciqaabeed kama dambeys ah shantii sano ee ugu dambeysay, kaas oo lagu mutaysanayo xabsi.
  7. In uusan hayn xil siyaasadeed waqtiga doorashada
  8. In uusan xiriir la lahayn kooxaha argagixisada.

Matalaadda Bulshada:

Ergada u codeyneysa kursi walba waa in ay ka koobnaataa qaybaha kala duwan ee bulshada beesha ama jifada kursiga leh, sida haweenka, dhallinyarada, ganacsatada, culuma’udiinka iwm.

  1. Haweenku waa in ay ka koobnaadaan ugu yaraan 30% wadarta Ergada (31 ergay).
  2. Dhallinyaradu waa in ay noqdaan ugu yaraan 20% ee wadarta guud ee ergooyinka (20 ergay).
  3. Ergada inteeda kale waxay noqonayaan qaybaha kala duwan ee bulshada.

Deegaannada Ergada Laga Diiwaan-galinayo.

Foomka diiwan-galinta ergada waa inay ka muuqataa magaca dawlad goboleedka, magaalada doorashadu ka dhacayso, lambarka kursiga, qabiilka, magaca oo afaran, magaca hooyada oo seddaxan, taariikhda dhalashada, goobta dhalashada iyo teleefanka ergayga. Sidoo kale waa in uu ku qoran yahay magacyada, saxiixa, taariikhda, Guddiga Xulista Ergada iyo magacyada, taariikhda, waana in ay ka muuqataa saxiixyada GMDHDX iyo GHDHF.

Hubinta iyo Xaqiijinta Ergada

Marka liisaska ergada ay soo dhamaystiraan guddiga xulidda ergada, waxaa ka dib loo gudbinayaa guddiga maamulaya doorashada heer maamul goboleed (GMDHDX), waa in la hubiyaa, si loo ogaado in isku dheelitirnaan sax ah lagu saleeyay beesha ama jifada kursiga wada leh. Haddii hubintu ay muujiso in ergada aysan soo buuxin shuruudaha erganimada ama heerarka matalaadda ay qaldan yihiin hannaankan soo socda ayaa la marsiinayaa.

Haddii liiska la soo gudbiyey uusan waafaqsaneyn shuruudaha soo xulista ergada., GMDHDX wuxuu ku wargalinayaa Guddiga xulista ergada ee kursiga la dooranayo inay dib-u eegis ku soo sameeyaan 3 maalmood gudohood,

Guddiga Xulista ergada waxay liiska u gudbinayaan guddiga GMDHDX, guddigu wuxuu dib-u-eegayaa oo xaqiijinayaa liisas-ka kahor inta uusan u gudbin GHDHF, si uu u hubiyo adeegsiga saxda ah ee shuruudaha ka mid noqoshada ergada.

Haddii Beel/Jifo ay diido in ay u soo gudbiso magacyada si waafaqsan shuruudaha xulidda ergada loo cayimay, guddiyada GMDHDX iyo GHDHF waa in ay xalliyaan khilaafka soo xulidda ergada. Doorashada kursiga ergadiisa aan la soo gudbin ama aysan sax ahayn ma dhacayso doorashadiisu inta laga gaarayo xal sax ah oo kama dambays ah.

Ka mid ahaanshaha Ergada:

Haddii qof ergay ah uu xubinnimada baneeyo, xaalad deg deg ah awgeed, sida dhismasho, jirro ama dano shaqsi, waxaa badeli kara Guddiga Xulista Ergada, iyagoo kaashanaya Guddiga Maamulka Doorashooyinka ee heer dawlad goboleed muddo laba maalmood, ka dibna waxaa hubinaya GHDHF.

Aqoonsiga Ergayga (ID Card)

Maalinta codeynta, ergada doorashooyinka waxay tagayaan xarunta cod-bixinta, si loo siiyo aqoonsiga codbixiyaha. Guddiga Xulista Ergada kursigaas la dooranayo ayaa xaqiijinaya ergada codeynaysa inay tahay ergadii saxda ahayd.

Shaqaalaha GMDHDX waxay siinayaan aqoonsiga cod-bixiyaha ergay kasta, kaas oo magaciisa ku jiro liiska la xaqiijiyay ee ergada wax dooranaysa.

Kooramka: Si beel/jifo loogu qabato doorasho kursi, ugu yaraan waa in ay soo xaadiraan 80% ergada doorashada oo u dhiganto sideetan iyo kow  (81) ergo, haddii kooramka aanan la buuxin lama qabanayo wax doorasho ah ilaa kooramka kursigaas uu dhameystirmo.

Ergay kasta wuxuu soo bandhigayaa aqoosiga cod-bixiyaha ee la siiyay, mana codeyn karo aqoonsiga cod-bixiyaha la’aantiis. Kursi kasta waxaa guddiga GMDHDX uu soo saarayaa 101 aqoonsi cod-bixiye ah oo kaliya.

Kuraasta Somaliland waxay noqonayaan ergo wadaag. Halkii ergo ee ah 101 waxay dooran karaan 1 ilaa 5 kursi.


Ujeeddada hannaanka diiwan-gelinta musharaxa waa in fursad loo siiyo muwaadiniinta doonaya inay tartarmaan, lagana hubiyo oo keliya inay buuxiyeen shuruudihii musharaxnimada. Hanaanka diiwan-galinta murashaxa wuxuu soconayaa 12 maalmood.

Nidaamka & Goobaha Diiwan-gelinta Musharixiinta.

Musharraxu wuxuu iska diiwaan-gelinayaa deegaan doorashada uu yaalo kursiga uu u  tartamayo, asagoo buuxinaya shuruudaha hoos ku qoran ee Musharixiinta Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka.

Shuruudaha Musharixiinta 

  1. In uu yahay muwaadin Jamuuriyadda Federaalka Soomaaliyeed
  2. Dhimirkiisu u dhan yahay
  3. Da’diisu ka wayn tahay 25 sano
  4. Aan xuquuuqdiisa muwaadinnimo go’aan maxkamadeed lagu hakin shanti (5) sano ee ugu danbeysay.
  5. Uu leeyahay ugu yaraan aqoon dugsi sare ama waayo aragnimo u dhiganta.
  6. In uusan ka tirsanayn ama wax xiiriir ah la lahayn kooxaha argagixisada ah
  7. In uu haysto warqadda danbi la’aanta ee hay’adda danbi baarista (CID) ee dalka.
  8. Saraakiisha/taliyayaasha ciidamada, xubnaha guddiyada madaxa banaan ee Qaranka haddii ay tartamayaan waa in ay is casilaan saddex (3) todobaad ka hor wakhtiga diiwaangelinta musharaxiinta.
  9. Musharax kasta oo u tartamaya Golaha Shacabka waa in uu bixiyaa lacagta diiwan-galinta kuna shubaa xisaabta bankiga ee Guddiga Doorashooyinka.
  10. Lacagta diiwan-galinta Musharaxiinta u tartamaya Golaha Shacabka waxay noqonaysa $10,000, (Toban Kun oo dollar) oo ragga ah iyo  $5,000, (shan Kun oo dollar) oo dumarka ah.
  11. Lacagta diiwan-galinta Musharaxiinta dib looma soo celinayo.

Qoondada Haweenka

Xildhibaanada Golaha Shacabku waa in ay noqdaan ugu yaraan 30% haween, taasoo xaqiijinteeda xil ka saranyahay gudiyada doorashooyinka GMDHDX iyo GHDHF, Odayaasha dhaqanka, Bulshada rayidka iyo Maamul Goboleedka.

  • Beel/Jifo kasta oo seddax kursi leh mid ka mid ah waa in loo asteeyo in ay ku tartamaan haween kaliya.
  • Haddii beeshaasi ay astayn weydo kursi ay ku tartamaan haweenka, waxaa astaynaya Guddiga Maamulka Doorashooyinka ee Heer Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federalka (GMDHDX) iyo Guddiga Hirgelinta Doorashooyinka Heer Federal (GHDHF), ayagoo kaashanaya Dowlad Goboleedka uu kursigu yaallo.
  • Kuraasta kale ee dhiman way u furan yihiin inay ku tartamaan haweenku.

Ka Noqoshada Murashaxnimada.

Murashax kasta wuu ka bixi karaa tartanka wakhti kasta, ka hor inta aan la daabicin liiska murashaxnimada ee kama dambeysta ah, isaga oo buuxinaya Foomka Ogeysiinta Dib-uga- noqoshada Murashaxnimada. Haddii murashax uu dhinto kadib diiwangalinta murashaxa, balse wali aysan doorashadu dhicin waxaa xaqiijinaya GMDHDX, waxaana dib loo furayaa diiwaangelinta murashaxnimada haddii uu hal murashax ku soo haro tartanka kursigaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here