Haddii Madaxweyne Muuse bilad geesi bixinayo waxaa xaq u lahaa kuwii dagaalkii Tukaraq tolkood laynayey

0
kaare

Inkastoo qofka reer SSC ee Somaliland bilad geesi siisaa oo tolkii kala kulmayo cay iyo dhibaato, misana waa waajib inaan la qarin cadaalad darada iyo eexda.

Bilad geesidii iyo dalacaadihii uu shalay Madaxweyne Muuse Biixi siiyey Saraakiil ka soo jeeda Beesha dhexe ayaan u muuqan mid si cadaalad ah lagu xulay, xubnihii la gudoonsiiyey waxaa ka mudnaa oo Bilad Geesida xaq u lahaa Saraakiishii Reer Sool ee dagaalkii Tukaraq furinta hore taagnaa ee Tolkood xabadda ku ridayey, qaar badana ay ku nafwaayeen.

Taas keliya kuma ay koobnay ee waxaa u dheer inay noqdaan kuwa toogta dumarka iyo Caruurta degaamadaas ka banaanbaxa, iyadoo ay geystaan dhaawac ama dhimasho, taas oo u keenta eed iyo cadaawad dheeraad ah.

Sikastaba oo ay tahayba lama filayn in Madaxweynaha Somaliland oo bilad geesi siinaya Saraakiisha inuu ka tago taliyaha Saldhiga 7aad ee Laascaanood iyo rag kale oo badan, waxaana hubaal ah inuu Somaliland uga waxqabad badnaa Saraakiishii shalay biladaha guratay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here