Halkee ka soo kala jeedaan ciyaaryahanadii Liverpool ka badbaadiyay Barcelona?

barcelona liverpool

Lugtii labaad ee ciyaartii xalay dhexmartay kooxaha Liverpool iyo Barcelona ayaa noqotay mid aad loo hadal hayo, kadib markii Liverpool oo aanan rajo badan laga qabin ay guuleysatay.

Lugtii koowaad ee ciyaartan katirsan koobka horyaallada Yurub ee Champions league ayaa kusoo idlaatay 3 iyo 0, waxaana kooxda Liverpool ay garoonka Camp Nou ee Barcelona ka soo laabatay iyadoo faro madhan.

Divock Okoth Origi ayaa labo gool u dhaliyay kooxda Liverpool, halka Georginio Wijnaldum uu sidoo kale kooxda Liverpool iyo taageerayaashooda kaga farxiyay labo gool oo kale.

Labadan ciyaartooy ayay dad badan aad u hadal hayeen saacadihii la soo dhaafay, maadaama wacdaro ay ka dhigeen garoonka Anfield oo ay adkeyd in guul ay ka soo hoyaan ciyaartii dhexmartay iyaga iyo Barcelona.

Divock Origi

Divock Okoth Origi oo dhashay sanadkii 1995-kii ayaa ah ciyaartooy u dhashay dalka Belgiam-ka, balse asal ahaan ka soo jeeda Kenya.

Waxaa Origi dhalay Mike Origi, oo ah ciyaartooy hore oo u dhashay dalka Kenya, wuxuuna kooxda Liverpool kusoo biiray sannadkii 2014-kii, xiligaas oo ay kula soo wareegtay 10 milyan oo gini.

Wuxuu Liverpool uga ciyaaraa dhanka weerarka.

Divock Origi wuxuu kooxda Liverpool kusoo biiray isagopo aad u da’ yar, xiligaas oo lagu guda jiray ciyaarihii koobka adduunka ee 2014-kii ka dhacay dalka Brazil.

Inkastoo Origi uu ku dhashay magaalada Ostend, ee dalka Belgium-ka ayaa haddana qoyskiisu waxay ahaayeen qoys ka guuray Kenya.

Arnold oo ay ilmo adeer yihiin ayaa sidoo kale u dheela koox katirsan dalka Norway, waxaana isaga iyo Origi la sheegay inay kusoo barbaareen meel aad looga xiiseeyo ciyaaraha kubadda cagta.

Georginio Wijnaldum

Kooxda Liverpool ayaa Newcastle United kala soo wareegtay Wijnaldum sannadkii 2016-kii.

28 jirkan ayaa khadka dhexe uga ciyaara kooxda Liverpool iyo xulka qaranka ee dalka uu u dhashay ee Netherland, waxaana xili ciyaareedkii 2017-2018 uu u saftay kooxda Liverpool 50 kulan.

NO COMMENTS

LEAVE A REPLY

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.