Hargeysa: Booliiska oo toogtay Libaax ka baxsaday beer lagu xanaaneyn jiray

libaax

Ciidamada Booliska Soomaaliland ayaa toogtay Libaax xalay ka baxsaday beer xayawaannada lagu xannaaneeyo oo ku taalla magaalada Hargeysa, ee caasimadda Jamahuuriyadda iskeed madaxbannaanida ugu dhawaaqday ee Soomaaliland.

Cali Warancadde, oo beerta lagu xanaaneynayay libaaxyada leh wuxuu BBC Somali u sheegay in “wiil xanaaneynayay uu albaabka furay si uu u quudiyo, ka dibna ay ku soo boodeen, albaabkana ka bexeen”.

Sida uu xaqiijiyay wiilkaa ayaa dhaawacmay. “Maysan cunin balse way isku tuur-tuureen. mana aysan cidiyeyn. Xoogaa wuu yara burburay”, ayuu yiri.

Xilli uu da’ayay roob, ayaa Libaaxayadu ka baxsadeen beerta, ka dib waxaa la soo saaray digniinaha loo jeedinayay dadweynaha magaalada Hargeysa oo loogu sheegayay in ay taxadaraan.

Libaaxyada baxsaday oo markii hore ahaa labo, waxaa la qabtay mid ka mid ah ka dib markii shaqaalaha beerta ay ku guuleysteen in ay xakameeyaan.

Libaaxa baxsaday ayaa la sheegay in uu qoorta ka dhaawacay gabar. Dhaawaca haweenayda ayaa la sheegay in loola cararay Cisbitaal. “Libaaxa ayaa laba xabadood lagu dhuftay oo dhaawacmay, ka dibna wuu sii daayay gabadha wuuna cararay oo wuxuu galay meel kayn ah deetanah “, sida uu sheegay milkiilaha, Cali Warancade.

“Booliska ayaa u soo gurmaday si wanaagsan ayaan ugu mahadnaqayaa booliska Soomaaliland oo si wanaagsan uga howl galay”, ayuu hadalka ku sii daray.

Wasiirkii hore ee arrimaha gudaha Somaliland, Cali Warancadde oo ah milkiilaha beerta iyo libaaxyada, ayaa sheegay in ay muhiim tahay in mas’uuliyad la iska saaro ilaalinta Libaaxyadan maadama arrintaan kal horana dhacday.

Cali Waracadde ayaa tilmaamay in sababta uu u xannaaneeyo Libaaxyadan ay tahay in deegaannada Somaliland aaney ka dabar go’in xaywaanaadka, uuna hadda qorsheynayo in uu intaan ka sii balaariyo.

“Innaga ayaa damaanad qaadeyna dhakhaatiirta iyo Cisbitaalka weyn ee Hargeysana, runtii qayb weyn ayay ka qaateen, bilaasha ayay uga dhigeen dawadii iyo qaiinkii, wixi kale ee xuquuq ahna waa qasab, waa loo qabanayaa,” ayuu yiri wasiir Warancadde oo BBC-da u waramayay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here