Harry iyo Meghan oo iska casilay xilkii ay boqortooyda u hayeen

Harry iyo Meghan

Harry iyo Meghan ayaan haatan laga bilaabo sii isticmaali doonin jagadii ay ku lahaayeen boqortooyada, sidoo kalana ma heli doonaan dhaqaalihii ay ku heli jireen magaca boqortooyada.

Lamaanahaan ayaan sidoo kale si toos ah u matali doonin boqoradda. Waxaana looga fadhiyaa iney magaan lacag dhan £2.4m taasi oo lagu dayac tiray gurigooda ku yaalla UK.

Arrintan ayaa dhaqan geli doonta xilliga guga ee sannadkan, sidaasi waxaa sheegay boqortooyada.

Warbixintan ayaa ku soo beegmeysa ka dib markii Isniintii ay boqoradda wadahadal la yeelatay lamaanaha oo ay kala hadashay mustaqbalkooda.

Lammaanaha ayaa horay u shaaciyay iney doonayaan iney ka fariisanayaan xilalka heerka sare ah ee ay u hayaan Boqortooyada iyo iney qeybinayaan waqtiyada ay ku noolaayaan UK iyo Canada.

Go’aanka ay gaareen ayaa dhaliyay su’aalo badan oo ku aaddan qaabka uu noqon doono dowrka ay ku leeyihiin qoyska Boqortooyada UK.

Boqoradda ayaa sheegtay ka dib bilooyin ay socdeen wadaxaajoodyo oo ay ka mid ahayd tii ugu dambeysay ay si wada jir ah isugu afgarteen iney taageero u fidiso wiilka ay ayeeyda u tahay iyo qoyskiisa.

“Harry, Meghan iyo Archie waxay markasto ahaan doonaan xubno laga jecel yahay qoyskayaga”.

Waxay uga mahadcelisay ”shaqadoodii wanaagsanayd iyo sidii ay Meghan durbadiiba ula qabsatay qoyska boqortooyada”.

Horay uma aysan dhicin arrin tan la mid

Bishii October ee sannadkii hore, Meghan ayaa dacwad ku soo oogtay wargeyska lagu magacaabo Mail On Sunday ka dib markii uu daabacay in si sharciga ka baxsan ay u shaacisay mid ka mid ah warqadaha sida khaaska ah loogu soo diray. Wargeyska ayaa difaacay qaabka uu u baahiyay sheekadaasi.

Amiir Harry ayaa xilligaasi sheegay in xaaskiisa ay “si arxan darro ah u daba dhigteen wargeysyada afka dheer ee Britain”.

Filim ay noolasheeda uga hadleysay oo laga baahiyay telefishinka ITV, ayaa Meghan waxa ay ku sheegtay in hooyonimada ay tahay arin adag iyadoo sababtana ku sheegtay, diiradda xooggan ee ay ku hayaan wargeysyada. “Ma jirto cid i weydiisa xaaladeyda,” ayay tiri.

Amiir Harry ayaa lambarka lixaad uga jira liiska kala horeynta ee dhaxalka kursiga Boqortooyada, waxaana ka horreeya Amiir Charles, Amiir William iyo saddexda canug ee uu dhalay.

kala sareynta qoyska boqortooyada

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here