Haweenay ku marqaati furtay shirkadda Facebook oo ay u shaqayn jirtay

Facebook

Haweenay horey ugu shaqayn jirtay shirkadda Facebook ayaa qiraal ka hor samaysay Aqalka Sare ee Maraykanka, kaas oo ku aaddan waxyaabaha sharciga ka baxsan oo la sheegay in ay shirkadda samayso si ay u hesho macaash badan.

Frances Haugen oo 37 jir ah, taas oo horey u ahayd agaasimaha dhanka wax soo saarka ee shirkaddan ayaa sheegtay in shirkadda iyo adeegyada ay xambaartaba ay yihiin kuwa dhibaato weyn ku ah carruurta, kala qeybiya bulshada, islamarkaasna daciifiya dimoqoraadiyadda.

Hase yeeshee asaasaha facebook Mark Zuckerberg ayaa iska difaacay eedeymaha , wuxuuna ku tilmaamay kuwa been abuur ah, sawir qaldana ka bixinaya shirkadda.

Warqad uu u qoray shaqaalaha ayuu ku sheegay in sheegashooyinka haweenaydani aysan ahayn kuwa nuxur samaysanaya, isaga oo farta ku fiiqay dedaalo uu sheegay in ay shirkadda ku bixisay la dagaalanka been abuurka , iyo sidoo kale kor u qaadista hufnaanta.

Facebook ayaa ah barta bulshada ee dunidaugu caasan, waxaana isticmaala 2.7 bilyan qof oo ka mid ah dadka adduunka ku nool, iyada oo boqolaal milyan oo qof ay isticmaalaan adeegyada shirkadda ee kale sida Instagram iyo What’s App.

Waxaase lagu eedeeyay waxyaabo badan oo dayacaad ah, sida macluumaadka qaaska ah ee dadka iyo sidoo kale in ay ku fashilantay in ay ka hortagto been abuurka.

Haweenaydan ayaa taleefishinka CBS u sheegtay in ay wargayska Wall Street Journal la wadaagtay dhambaalo sir ah oo ku saabsan waxyaabaha qaldan ee ay shirkadda samayso, waxaana ka mid ah daraasad gudaha ah oo ay shirkadda samaysay, taas oo muujinaysa habdhaqanka shirkadda iyo qaabka ay waxu fuliso.

“Madaxda shirkadda waa ay ka war hayaan sida ay Facebook iyo Instagram uga dhigi lahaayeen shabakado bad qado , balse ma aysan samaynin isbadalada muhiimka ah sababtoo ah waxa ay doonayaan in ay faaiido sameeyaan” ayay ka hor tiri guddiga xildhibaanada ah ee dhagaysanaya.

Waxa ay si gaar ah u dhaleecaysay Mark Zubergerg oo ay sheegtay in uu awood badan ku leeyahay shirkadda, aysana jirin cid isaga la xisaabtanta..

Waxa ay sidoo kale bogaadisay cilladdii Facebook ku dhacday ee hawada ka saartay daraad, “Ma garanayo waxa heley, balse waxaan ogahay in wax ka badan shan saacadood Facebook aysan dadka dhibaato u geysain”. ayay tiri,

Xildhibaanada Aqalka Sare ee labada xisbi ee dimoqoraadiga iyo Jamhuuriga ayaa ku mideysnaa baahida loo qabo in shirkadda ay samayso isbadel.

wareysi ay haweenaydani siisay barnaamijka 60 Minutes ee CBS TV ayay ku sheegtay in shirkadda ay ka macaashto waxyaabaha nacaybka dhalinaya ee dadka qaar ay sameeyaan, taasina ay aad u dhiirogaliyaan, iyaga oo adeegsasanaya farsamooyin casri ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here