Haweeneey kasto oo aan dilo waxaan ku qaadanayay 3 boqol oo doolar

Paul Magara Morara kenya

Nin qirtay inuu kufsaday saddex dumar ah ka hor inta uusan dillin ayaa falkaan argagaxa leh wuxuu dusha ka saaray oo uu ku eedeeyay kaniisad ku taala magaalada Kiambu ee dalka Kenya, sida uu qorayo wargayska NATION ee ka soo baxa dalkaas.

Wuxuu ku andacooday in kaniisaddu ay isaga siinaysay lacag gaaraysa 300 oo doolar marka uu qof dilo. Ninkan oo lagu magacaabo Paul Magara Morara, oo 29 jir ah, ayaa hadda ku xiran Saldhigga Booliska ee deegaanka Ruiru ee ismaamulka Kiambu Kenya.

Wuxuu sheegay in kaniisad ay siisay lacag dhan 300 oo doolar ka dib markii uu fuliyay amar ay siisay oo ahaa inuu dilo saddexda haweenka ah.

“Kaniisadda waxaa i baray sannadkii hore saaxiibkay, qof kasta oo aad disho waxaa laguugu siinayaa lacag gaaraysa 300 oo doolar. Waxaa la ii sheegay in haweenku ay ahaayeen kuwa ugu fudud ee la dilo, ”ayuu ku yiri Morara waaxda dambi baarista.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here