Haweeney si weyn uga guulaysatay Ra’iisal Wasaaraha Hindiya

Mamata Banerjee india

Xisbiga u taliya dalka Hindiya ee BJP ayaa xoogga saaray sidii uu ugu guulaysan lahaa gobolka Galbeedka Bengal, balse natiijada doorashada ayaa muujinaysa in uu jab weyn halkaa kala kulmay.

Iyadoo la tiriyay ku dhawaad dhammaan codadkii laga dhiibtay gobolkaas, ayaa xisbiga TMC ee ay hogaamiso Mamata Banerjee, waxa uu ku guulaystay in ka badan 200 kuraasta golaha wakiiladda Galbeedka Bengal oo ka koobaan 294 kursi.

Marwo Banerjee ayaa markii saddexaad noqotay hogaamiyaha gobolkaas muhiimka u ah siyaasadda dalkaas, waana haweeneyda qura ee madax ka ah gobol ku yaal Hindiya.

Xisbiyada mucaaradka ah ayaa si weyn u soo dhaweeyay guusha ay gaartay haweeneyda 66 jirka ah.

Ra’iisal wasaare Narendra Modi ayaa lagu dhaliilay inuu xoogga saaray doorashada gobollada halkii uu wax ka qaban lahaa cudurka safmarka ah ee Covid-19, kas oo fara ba’an ku haya Hindiya.

Xaalad murugsan

Tobankii maalmood ee la soo dhaafay, Hindiya ayaa diiwaangelisay in ka badan 300,000 oo kiis maalintiiba.

Axadii shalay ahayna, dalkaas waxa uu diiwaangeliyay dhimashadii ugu badneyd, waxaana cudurka u geeriyooday 3,689 oo qof.

Cisbitaallada ayaa waxaa buuxsamay sariiraha bukaanka, halka oksijiinta ay gabaabsi tahay. Shacabka Hindiya ayaa baraha bulshada u adeegsaday inay gargaar ka codsadaan gudaha iyo dibedda dalka.

Khubarada ayaa sheegaya in isu soo baxyada ololaha doorashada iyo codeynta ay qeyb weyn ka qaateen faafidda cudurka.

Ra’iisal wasaare Modi iyo wasiirkiisa arimaha gudaha ee marar badan khudbado u jeediyay dadweynaha Galbeedka Bengal, waxaana mas’uuliyiintaas lagu eedeeyay inay doorashada ka doorbideen xakameynta cudurka.

Caasimadda Delhi

Ugu yaraan 12 bukaan ah oo uu kamid yahay dhakhtar ayaa ku geeriyooday cisbitaal caan ah kadib markii ay Sabtidii ka go’day oksijiinta.

Mid kamid ah dhakhaatiirta Hindiya ayaa sheegay in xaaladdu ay tahay mid argagax leh. “Marka uu cisbitaalka isticmaalo keydkiisa oksijiinta ah, ma jirto meel kale oo uu ka helayo oksijiin dheeraad ah,” ayuu yiri dhakhtarka.

Cisbitaallada yaryar ayaa wajahaya xaalad aan la qiyaasi karin, maadaama aanay intooda badan lahayn oksijiin keyd ah.

Caasimadda Delhi ayaa ah meesha uu sida ba’an u saameeyay xanuunka, waxaana Axadii oo keliya laga diiwaangeliyay in ka badan 25,000 oo kiis, halka dhimashadana ay gaartay 412 qof.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here